WararkaWaxbarashada

Dugsiga Hoose Dhexe ee “Kista” oo Kaalinta Koowaad u Galay 487 Iskuul Gudaha Dalka Sweden

Dugsiga hoose dhexe ee Kista International School oo ay maamulaan  aqoonyahano ku bahoobay ururka Waxbarashada ee Alkowneyn ayaa sanadkan kaalinta koowaad ka galay dugisiga ugu wanaagsan ee heerka Waxbaridda ubadka, ka dib markii daraasd lagu sameeyay in ka badan Kun dugsi oo ku yaalla Dalkan Sweden.

Warbixintan ayaa lagu soo bandhigay xiritaanka sanad dugsiyeedka  2017/2018 iyo sagootinta ardayda ka aflaxday Fasalka Sagaalaadka ee u gudbeysa dugsiga sare, waxaana munaasabadan oo si qurux badan loo soo agaasimay  abaalmarinno kala duwan lagu guddoonsiiyey qaar ka mid ah waaliddiinta ugu firfircoon iyo ardadayda kaalmaha koowaad ka galay Waxbarashada.

Sheekh Daahir Jeyte oo kamid ah maamulka iskuulkaasi ayaa faahfaahin
guusha uu iskuulku gaaray:

“Marka hore Ilaahay ayaa mahaddaa iska leh, marka xigtana shaqalaah ka
shaqeeya ayaan u mahadcelinayaa oo guushaasi qeyb ka qaatay, kadib
juhdigii la geliyay, ha noqoto waalidiinta caruurta, macalimiinta
dhamaantooda, sababta oo ah iskuulkaana waxaa la aasaasay 2010, raacii
dhexe ee 2015-2016 waxaan galnay kaalinta 4-aad wadanka oo
dhan, sanadkaan Illaahay mahaddiisa waxaan soo galnay kaalinta
koowaad, 487 iskuul ayaan kaalinta koowaad kaga jirnaa, taasi waxay ku
timid Illaahay oo inoo fududeeyay iyo juhdigii aan bixinnay, waxaana
ka mid ah caawinaadda caruurta, gaar ahaan meel ka baxsan iskuulka marka
ay joogaan”. ayuu yiri Sheekh Daahir.

Dhammaan ka qayb galayaasha Xafladdan lagu sagootinayay Ardaydan ka gudubtay dugsiga dhexe iyo waaliddiintii halkaasi ku sugnayn ayaa si weyn ula dhacsanaa habka wax barista dhallaanka oo isugu jira Soomaali iyo Swedesh, waxena ballan qaadeen iney kalsoonida ku qabaan sii Laba laabidda dadaalka.

Xigasho: Wakaaladda Wararka ee SONNA

Related Articles

Close