arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Gabar yar oo Qoyskeedu Ay Aaseen Iyadoo “Nool” oo La Badbaadiyay… Waxey Xabaalneyd 7 Saacadood (Muuqaal)

Booliska Brazil ayaa badbaadiyay gabar yar oo dhawaan dhalatay oo qoyskeedu ay aaseen iyadoo “Nool” markii ay xabaalneyd 7saacadood kadib.

Sida uu qoray wargeysa O Globo, gabadhan yar ayaa laga soo saaray god ku yaalla barxadda guri ka dhisan gudaha magaalada Canarana. waxey ka soo saareen god dhirirkiisu yahay 50 cm, kadib markii booliska uu soo wargaliyay qof aan magaciisa la shaacin.

Intaa kadib, waxa ay boolisku qabteen ayeeyada gabadhan yar oo da’deedu tahay 57 jir, iyadoo loo haysto isku day dil bareer ah.

Xeer ilaaliyaha guud ee Brazil Paulo Roberto oo la hadlay Wakaaladda Wararka AFP: “Waxaan baareynaa isku day dil oo ku talagal ah inuu jiro ama aan xaqiijinno sheegashada ah iney canugta yar mayd ahayd xilliga la aasayay.”

Qoyska gabadhan yar dhalay ayaa booliska gaarsiiyay in gabadhood ay dhulka ku dhacday markii la dhalay ka dib isla markaana ay u qaateen iney dhimatay, sida dhaqanku ahaana loo aasay. Laakiin booliska ayaa sheekadan ka shakisan, maadama hooyada dhashay ay 15 jir tahay, aabaha ilmahan yar dhaleyna uu diiday inuu aqoonsado iney gabadhiisa tahay.

Ilmahan yar markii la badbaadiyay waxaa la galiyay qolka bukaanka ay xaaladoodu daran tahay ee isbitaalka Boa Agua si daryeel xoog leh loogu fidiyo, kadib markii la arkay in neefsigu ku adag yahay.

Boolisku waxey xireen hooyada gadhan yar iyo ayeydeed, laakiin markii dambe waa la sii daayay.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close