WararkaWaxbarashada

Indonesia oo Laga Furay Mac’hadkii Ugu Horreeyay ee Lagu Barto Naqshadeynta Dharka Islaamiga ah

Mac’hadkii ugu horreeyay ee dharka Islaamiga ah lagu barto ayaa laga furay dalka Indonesia, waxey ardaydu dhigtaan xirfadaha naqshadeynta, suuqgeynta caadiga ah ee ku dhisan aragtida Islaamka.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee  Reuters, Waxaa iska diiwaangeliyay Mac’hadka 140 arday oo cusub, xilli ay si aad ah u sii kordheyso raadinta  loogu jiro naqshadeyn cusub oo dharka Islaamiga ah.

Deden Siswanto oo ah aasaasaha mac’hadkan oo bandung ku yaalla magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Indonesia ayaa waxa uu yiri: “Ardayda waxaan ka dooneynaa iney diyaariyaan naqshadeyn u goonni ah iyo iney noqdaan hormuud dhanka dhar sameynt ah.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Sidaas oo kale waxaan barnaa tacaaliimta ay ina farayso diinta Islaamka.”

Mac’hadkan ayaa cid waliba ka qaybgeli kartaa, haddii uu yahay qof Muslim ah ama uu diimo kale aaminsan yahay.

Indonesia isbuucii modelka ee ugu horreeyay ee dharka Islaamiga ah waxaa lagu qabtay sanadkii 2015, Wasaaradda Warshadaha ayaa yoolkeedu yahay marka la gaaro 2020 in Indonesia ay noqoto xarunta dharka Islaamiga ah ee Adduunka oo dhan.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close