TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Kadib Ku Dhawaaqistii In La Xirayo… 8 Macluumaad oo Ku Aaddan Adeegga “Yahoo Messenger”

Shirkadda Yahoo ayaa daaha ka rogtay iney go’aan ku gaartay iney gebi ahaamba xirayso adeegga “Yahoo Messenger” marka la gaaro August 5, 2018, sidaas oo kale shirkaddu waxey joojisay suuraggal-nimadii adeegga in lagala soo degi karo, afhayeen shirkadda u hadlay ayaa sheegay in marka la gaaro August 5, aaney macaamiisha u suuraggaleyn iney isticmaalaan adeegga.

Hadaba waxaan idiin soo gudbineynaa macluumaad ku aaddan Yahoo Messenger.

  1. Yahoo Messenger waxa uu ahaa barnaamij ay is dhammeystirayeen Yahoo Mail, dadka ayaa ku sheekaysta.
  2. Waxa uu ka mid ahaa barnaamijyadii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ee suuqa lasoo galiyo, waxaana uu ahaa kacdoon weyn oo lagu xiriiro.
  3. App-kan waxa ay shirkaddu suuqa soo galisay Marso 9, 1998.
  4. Dhalinyada ayaa aad u jeclayd oo iska dhex baran jirtay kuna dhex sameysan jiray saaxiibbo si degdeg badan.
  5. Waxa uu caan ku ahaa is dhaafsiga farriimaha qoraal ah oo leh midabbo iyo noocyo kala duwan oo far ah astaamo dareenka qofka ka tarjumaa ay la socdaan.
  6. Waxaa la isku dhaafsandaa xogo qaadkeedu gaarsiisan yahay illaa 2GB, sidaas oo kale sawirro ayaa lagu wadaagi jiray.
  7. Xiritaanka adeeggan shirkaddu waxey ku sababeysay in App-ku aanuu la tartami karin app-ka kale ee suuqa yaalla ee aadka u horumarsan.
  8. Bedelka Yahoo Messenger shirkaddu waxey si tijaabo ah suuqa u soo gelisay “Yahoo Squirrel”, oo lagala soo degi karo Squirrel.Yahoo.com.

Maandeeq FM

Related Articles

Close