WararkaWaxbarashada

Dhulkii Saxaraha Ahaa oo Beero Loo Bedelay.. China oo Bariis Ku Beertay Dubai!

Khubaro Chinese ah ayaa waxey ku guuleysteen iney bariis ku abuuraan saxaraha Dubai, kadib markii ay ciidda ku abuureen bariiska ‘drought resistant’ ee adkaysiga badan; iyagoo  isticmaalaya biyaha badda, tijaabadan ayaa lagu beeray dhul badkiisu yahay Hal Kiiloomitir, waxaana laga soo saaray 7500 kg oo dalag ah, waana natiijo ilaa xad lagu qanci karo, waa sida ay sheegayso shirkadda Chinese-ka ah ee mashruucan fulineysa.

Sida ay qortay jariidada The Telegraph“, Du Dele oo ah mas’uulka cilmi-baarista ee caanka ku ah beeridda bariiska adkeysiga u leh cusbada, kaas oo dadbadani ay u arkaan inuu xal u yahay cunno yarida ka jirta goobo badan oo adduunka ah, ayaa waxa uu yiri: “Natiijada aan gaarnay aad ayaan ugu faraxsanahay.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan ogaannay inaan bariis ku beeri karno saxaraha, farxaddeenna lama soo koobi karo, gaar ahaan markii eegnay natiijada oo aan aragnay waxa noosoo go’i kara.”

Imaaraatka ayaa waxa u qorsheysan in 10% badka dhulkeeda lagu beero bariiska.

Caado ahaan bariiska ayaa lagu beeraa dhul ku habboon iyo biyo macaan, laakiin horey looma aqoon habkan cusub ee ciidda loogu beerayo iyadoo la adeegsanayo biyaha badda.

Maandeeq FM

Related Articles

Close