TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Garaadka Smarts-ka ee u Gaarka ah Shirkadda “Goldman Sachs” oo Saadaaliyay Xulka Ku Guuleysanaya Koobka Adduunka ee 2018

Koobka Adduunka aad ayuu inoogu soo dhawaaday, Labo maalmood oo qura ayaa inaga xigan oo waxa uu ka bilaabanayaa dalka Ruushka, iyadoo lagu furfuri doono  xulalka Ruushka iyo Sucuudiga oo kulanka ugu horreeya yeelanaya.

Sida sanad kasta caadada ah oo aan koobka adduunka ku naqaanno, waxaa jira dad isticmaala xayawaanka noocyadooda kala duwan si ay u saadaaliyaaan natiijooyinka ciyaaraha ay dadkuna ugu madaaloodaan.

Laakiin casrigan garaadka smarts-ka ah ee computerradu uu dunida ku badan yahay ayaa mu’asasa “Goldman Sachs” waxey si gaar ah iskugu taxaluujisay saadaalinta cidda koobka ku guuleysaneysa, iyagoo  istcmaashay garaadka smarts-ka ah ee computerrada, waxey howlgalisay tiro cilmi-baarayaal ah oo ka tirsan mu’asasada garaadka smarts-ka ah iyo waxbarista aaladaha si ay u howlgaliyaa 200 kun oo system, iyagoo adeegsana xogo laga soo uruuriyay kooxaha, si loo saadaaliyo natiijooyinka ciyaaraha.

Cilmi-baarayaasha ayaa waxey sameeyay hal-milyan oo nuskhadood oo lagu soo bandhigay natiijo walba oo suuraggal ah si loo eego koox kastaa fursadda ay u haysato ku guulaysashada koobka adduunka ciyaaraha kala duwan ee ay ciyaareyso.

Sawirkan hoose waxa uu caddeynayaa sida uu garaadka smarts-ka ee computer-ka u arko saadaalinta natiijooyinka koobka adduunka ee 2018.

Hadaba, saadaalintii la sameeyay waxaa ka soo baxay natiijadan:

1- Garaadka computer-ka waxa uu saadaaliyay in dalka Brazil uu ku guuleysan doono kaabkiisii lixaad, waxeyna kama dambeysta isku arki doonaan dalka Jarmalka oo finalka.

2- Afar dhammaadka waxaa iskugu soo haraya Brazil, Jarmalka, Faransiiska iyo Portugal, laakiin nasiibka ayaa ka hiillin doona Faransiiska iyo Portugal oo ay ku adkaan doonto iney u gudbaan finalka koobka adduunka.

3- Ingiriisku semifinal ayey gaarayaan, laakiin  waxaa koobka ka reebaya dalka Jarmalka.

4- lama filaanka uu garaadka smarts-ka ee computer-ku saadaaliyay waxaa ka mid ah natiijooyinka Spain iyo Argentina, waxaa la saadaaliyay in semifinal-ka lagu reebidoono oo ay ku baxayaan gacanta Faransiiska iyo Portugal.

5- Waddanka martigelinaya ee Ruushka heerka group-yada kama gudbi doono.

6- Sucuudiga ayaa ah xulka kaliya ee la saadaaliyay inuu ka gudbidoono heerka group-yada ee koobka Adduunka.

Si kastaba, kubadda cagta sidaan ognahay saadaalin kasta oo horey loo sameeyay wey jabisay oo si dhammeystiran looguma guuleysan, horey waxaa loo isticmaalay maroodi, akhtabut, bisad, computer, laakiin weli cidina kuma aaney guuleysan in saadaalinteedu noqoto 100%.

Maandeeq FM

Related Articles

Close