arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sunniyaha Ra’isul Wasaaraha Kanada oo Si Weyn Dunida Looga Hadalhayo(Muuqaal)

Saddex war ayaa maanta dunida si aad ah loo hadalhayaa, kan koowaad ayaa ah Khilaafka cusub ee Yurub iyo Mareykanka, kan Labaad kulanka taariikhiga ah ee madaxweyne Trump iyo Kim Jong-un, kan saddexaadna waa sunniyaha Ra’isul wasaaraha Kanada Justin Trudeau oo ka dhacay xilli uu shir jaraa’id ku jiray!.

Sunniyaha oo u muuqda iney yihiin kuwo macmal ah ayaa ka fuqay booskii ay ku dhaganaayeen, xilli uu shir jaraa’id la qabanayay Ra’isul wasaaruhu Madaxweynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron, wejigiisu wuu iska bedelay sidii hore loogu yaqaannay, waana sida uu caddeynayo muuqaalka laga duubay ra’isul wasaaraha oo la arkayo sunniyaha oo dhinac ka soo laalaada, sababta uu arki waayay, waxaa lagu fasiray sunniyaha oo ka sarreeya indhaha, markii ay ka soo dhaceenna waxa uu noqday qof kale oo wejigiisii wuu isbedelay sidii inuu qof kale yahay oo kale. 

Dadka ra’isul wasaaraha difaacaya ayaa waxey soo galiyeen internetka muuqaal laga soo duubay camera kale oo suniyaha si caadi ah ay u muuqdaan, waxeyna ku doodayaan in muuqaalka la khalday oo si aan wanaagsaneyn loo isticmaalay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close