WararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada XFS: Manhajka Cusub Waxa uu Meesha Ka Saarayaa Manaahijta Shisheeye

Maallinimadii shalay ayaa waxaa si rasmi ah loo daahfuray manhajka cusub ee Midaysan, Wasiirka Waxbarashada ayaa hadal jeedin uu ka sameeyay xafladda daahfruka waxa uu ku tilmaamay inuu meesha ka saari doono manaahijta shisheeye ee danaha dowlado kale u adeegaya.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku bilaabay mahadcelin uu u jeediyay ka soo qeybgalayaashii xafladda daahfurka manhajka, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Waxaan mahad ballaaran u celinayaa dhammaan marti sharafkii nagala soo qeyb gashay daahfurkaan oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha Aqalka Sare, wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada, guddiga arrimaha bulshada BFS, xubnaha kasocday EU iyo dhammaan kasoo qeyb galayaasha.”

Waxa uu tilmaamay in manhajkani uu soo saari doono ubad Soomaaliyeed oo isku feker, isku dhaqan, isku aragti ah oo iskuna damqada:

“Sharaf weyn bay ii tahay inaan maanta daah furno buugaagta manhajka waxbarashada Qaranka oo aad muhiim ugu ah mustaqbalka dalkan iyo xaaladda maanta lagu jiro. Waxaan dadaal xoog leh gelinay sidii loo heli lahaa manhaj Soomaaliyeed oo mideysan, si loo soo saaro ubad Soomaaliyeed oo isku feker ah, isku dhaqan ah, isku aragti ah, isku damqada, lehna aqoon waafi ah, ilbaxnimo iyo ujeeddooyin mideysan oo ku saleysan Soomaalinimo.”

Waxa uu hoosta ka xarriiqay inuu meesha ka saari doono manaahijtii shisheeye ee 30 sano ee la soo dhaafay dalka lagaga dhaqamayay:

“Tani waxay meesha ka saari doontaa dhammaan manaahiijta shisheeye ee dalka soo galay 30-kii sano ee la soo dhaafay, kuwaasoo laga keenay dalal kala duwan, iyagoo xambaarsan ujeeddooyin kala duwan, nafaqeynayana manaahiij iyo siyaasado waxbarasho oo ka soo horjeeda kuweenna.”

Waxa uu u mahadceliy cid kasta oo kaalin ku lahayd qoraalka iyo daabacaadda Manhajka:

“Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa madbacadda badar oo gacan ka geysatay daabacaadda iyo maalgelinta mashruucan, qoraayaasha buuga, khubadarada maaddada, lataliyayaasha, farsamayaqaanada iyo dhammaan inta ka qeyb qaadatay.”

Si kastaba, manhajkan ayaa waxa uu ka kooban yahay fasalka koowaad ilaa Afaraad, dalka inta badan iskuulaadka waa kuwo ayna dowladdu gacanta ku hayn, sidaa darteed habka dhaqangelinta manhajka ayaan la ogeyn sida ay u sahlanaan karto, iyadoo aan ognahay in Puntland xilli hore ay iska diiday manhajka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close