arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wiil Dhalinyaro Ah oo Kumanaan Qofka Khiyaameeyay.. Waxa uu u Sheegay in Dagal-baar Dahab ah uu Tilmaantiisa Hayo.. Laakiin Wixii Ay La Kulmeen Ayaa Lama Filaan Ku Noqday!

Kumanaan qof ayaa iskugu soo baxay subaxnimadii hore ee maalinta Isniinta Jun 11, 2018, iyadoo kuleylka qorraxdu uu aad u gubayo maalin Ramadaanna ay tahay, dadka waxey ka kala yimaadeen daafaha kala duwan ee gobolka Boulemane, si ay uga qeybgalaan, khasnado dahab ah oo dhulka hoostiisa ku aasan oo lala soo baxayo.

Sheekadana ayaa waxey ku bilaabatay isbuucii la soo dhaafay oo wiil dhalinyaro ah oo la yiraahdo “Al Hussein” uu dadka deegaankiisa uu u sheegay in sheikh uu riyo ugu yimid isla markaana uu u sheegay halka laga helayo dagal-baar dahab ah oo dhulka hoostiisa ku aasan oo sidii buuro oo kale ah, waxaana uu tilmaamay in mar kasta uu u yimaaddo makhluuq qof isku soo ekaysiiya oo u tilmaamay halka dagal-baarkaa dahabka ah laga helayo, waxa uu dadkii la wadaagay in maalinta dahabkaa la helayo ay ku beegan tahay 26 Ramadaan.

Dad badan ayaa aaminay qisada wiilkan dhalinyarada ah oo sida la sheegay lagu yaqaannay dagaanan iyo inuu ahaa qof wanaagsan, dadkii wey soo diyaar garoobeen iyagoo kumanaan qof ah, qof kastaa waxa uu soo qaatay aqoonsigiisa gaar ah marka dahabkaa la helo si aanuu qeybtiisa muran u gelin, waxaa looga yimid deegaanno kala duwan iyo meelo dhaadheer oo dalka Morocco ka tirsan.

Maalintii ay ballantu ahayd ee subaxnimada Isniinta ayaa dadkii xilli hore soo kallaheen, waxaa la isku raacay halkii lagu ballansaan, waxaase dadkii ay la kulmeen lama filaan. Markii uu dadkii dhowr kiiloomitir lugaysiiyay oo meeshii lagu ballansaa la gaaray, ayaa waxa uu la soo baxay warqado, waxa uu u khudbeeyay 25 daqiiqo isagoo ka hadlaya duruus diini ah oo Alle ka cabsi u badnaa, daqiiqadaa marna soo muu hadalqaadin wax dahab ku saabasan, dadku waxey sugayeen in meesha uu dahabku ku jiro u tilmaamo, laakiin waxaa lama filaan ku noqotay in wixii loo sheegayay ay been noqdeen, waxa uu tilmaamayay oo uu sheegayay iney ilaashadaanna calanka iyo astaanta dalka Morocco oo xilligaa huwanaa!.

Dadka  Baraha-bulshada isticmaala ayaa waxey aad u hadal-hayaan sida wiil dhalinyaro ah oo iska caadi ah ay ugu suuraggashay inuu khiyaameeyo kumanaan qof oo aaminay in waxa uu sheegayaa ay run yihiin. iyadoo la tilmaamay in markii dambe ay boolisku xiraan wiilkii dhalinyarada ahaa ee Kumaananka qof khiyaamay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close