arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Nigerian Aabihii Ku Aasay Gaari “BMW” Aad Qaali U Ah

Wiil dhalinyaro maalqabeen ah oo u dhashay dalka Nigeria ayaa aabihii oo geeriyooday ku sagootiyay waddo la yaab leh, kadib markii uu la aasay gaari aad qaali u ah.

Sida ay qortay jariidada Daily Mail, wiilkan dhalinyarada ah oo la yiraahdo Azubuike ayaa aabihii usoo iibiyay gaari BMW qiimihiisu yahay 88 kun oo dollar, waana uu la aasay.

Go’aanka wiilkan dhalinyarada ah uu qaatay ayaa ka dambeeyaa fulinta ballanqaad uu horey aabihii uga sameeyay intii uu noolaa in maalin un uu u iibin doono gaari qaali ah, laakiin uu ka geeriyooday inta aan ballantaa loo fulin ka hor.

Magaalada Ihiala oo ku taalla koonfurta Nigeria ayaa waxaa laga qoday qabri dhirirkiisu yahay 1mitir iyo 80cm, si aabaha geeriyooday iyo gaarigaba loogu wada aaso.

Sawirka aaskan layaabka leh ayaa waxa uu aad u qabsaday Baraha-bulshada oo si weyn looga hadalhayo, dadkii fikraddooda ka dhiibtay qaarkood wey ku ammaaneen falka uu ku kacay Azubuike, halka kuwo kalena ay ku tilmaameen fal aan wanaagsaneyn, maadama lacagtaa meelo ka wanaagsan in lagu bixiyo ay ka wanaagsaneyd oo dadka nool ay ku nacfin karaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close