WararkaWaxbarashada

Vitamin-kan oo Si Wanaagsan Loogu Xasuusto “Riyooyinka”

Daraasad cusub oo laga sameeyay Jaamacadda Adelaide ee dalka Australia ayaa lagu ogaaday in vitamin B6 oo si wanaagsan loo qaato uu qofka ka taageero xasuusto riyadiisa xilliga habeenkii.

Daraasaddan ayaa lagu sameyay 100 qof, barkood waxaa la siiyay 240 mg oo vitamin B6 ah, inta aaney seexan ka hore muddo 5 cisho ah oo is-xigxigta. Halka qeybta Labaad la siiyay daawo aan wax nacfi ah ama dhib aan u keeneyn, laakiin lagu dareensiinayay iney tijaabo ku jiraan.

Natiijada daraasaddan ka soo baxday waxey sheegaysaa in dadkii qaatay vitamin B6 ay si wanaagsan u xasuusteen riyooyinkoodii heer gaarsiisan 64.1%, waxaa kale oo ay sheegeen in si wanaagsan u seexdeen, daalna aaney dareemin markii ay hurdada ka soo kaceen.

Dr Denholm Aspy oo ka tirsan Kulliyadda Cilmi-nafsiga ee Jaamacadda Adelaide kana mid ahaa khubaradii daraasaddan wax ka fulisay ayaa waxa uu leeyahay: “Natiijada aan gaarney waxey tilmaameysaa in vitamin B6 uu hagaajiyo xasuusta riyooyinka.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Vitamin B6 dadka riyadooda wax cusub kuma aanuu soo kordhin, dhinac kale ma aanuu sameyn huradooda.”

Dr Aspy waxa uu leeyahay: “Waa markii ugu horreysay oo daraasad noocan oo kale ah lagu sameeyo saameynta vitamin B6 uu ku yeesho riyooyinka dadka.”

Khubaradii daraasaddan wadday sida ay sheegeen, aadanaha 6sano oo cimrigiisa ka mid ah ayuu ku qaataa riyo!.

Maandeeq FM

Related Articles

Close