TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Wasiir Israeli ah oo u Hanjabay “Twitter”!

Wasiirka ammaanka gudaha Israel Gilad Erdan ayaa twitter ugu hanjabay iney la tiigsan doonaan maxkamad, haddii la xiri waayo xisaabaadka barta uga furan, Xammaas, Jihaad al-Islami iyo Xisbullaahiga dalka Lubnaan.

Janalka Todobaad ee Israel ayaa Talaaladii June 12 qoray, in Twitter uu taageero kooxaha argagixisada ah, maadama aanuu xireyn xisaabta barta uga furan ururrada islaamiga ah ee  Xammaas, Jihaad al-Islami iyo Xisbullaahiga dalka Lubnaan.

Maamulaha guud ee Twitter Jack Dorsey iyo madaxa golaha maamulka shirkadda Omid Kordestani ayuu ugu baaqay wasiirku iney xiraan xisaabaadka barta twitter-ka uga furan Xammaas, Jihaad al-Islami iyo Xisbullaahiga dalka Lubnaan. Maamulka twitter ayaa horey ugu gacan sayray dalab kan la mid ahaa oo Israel ay horey ugu jeedisay.

Janalkan Todobaad ee Israel ayaa waxa uu sheegay sidoo kale, in talaadada ay magaalada Qudus ku ballansanaayeen 20 wasiir oo ammaanka gudaha ah, waxeyna ka wadahadlayaan muhiimadda ay Baraha-bulshadu leeyihiin iyo saameyntooda Adduunka oo dhan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close