WararkaWaxbarashada

Xilliga Imtixaanka “F4” ee Ardayda Beledweyne oo La Shaaciyay

Ardyada magaalda Beledweyne ee uu horey uga baaqday imtixaanka midaysan ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah loo shaaciyay xilliga ah galayaan imtixaankaasi.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa bartiisa bulshada soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo go’aan ay gaareen oo ku aaddan xilliga la qabanayo imtixaanka “F4” ee ardada magaalada Beledweyne, waxa uu yiri:

“Latashiyo badan keddib, waxaan ku wargelineynaa dhammaan ardayda reer Beletweyne in imtixaankii shahaadiga ahaa ee horay u baaqday fatahaadii wabiga shabeelle awgiis ee sannad dugsiyeedkaan 2017/2018 la geli doono 24 June, 2018. Waxaa dhammaantiin idiin rajeynayaa natiijo wacan.”

Si kastaba, ardydan ayaa imtixaanka uga baaqday fatahaado webiga Shabeelle oo ku soo rogmaday magaalada Beledweyne, taas oo suuraggal ka dhigi weyday in si habsami leh u socdaan adeegyadii bulshada ee waxbarashaduna ay ka midka ahayd.

Maandeeq FM

Related Articles

Close