arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Goobaha Madadaalada “Ciidda” oo Si Wanaagsan Uga Hirgalay Gudaha Muqdisho

Iyado maanta ay tahay maalintii labaad ee munaasabadda dabaaldagga ciiddul fidriga ayaa shacabka ku dhaqan Muqdisho ku damaashaadayeen qaar ka mid ah goobaha loo dalxiistago oo laga hirgeliyay gudaha Magaalada.

Kumanaan dadweyne ah ayaa lagu arkayay iyagoo ku sii qulqulaya tuulada Daarusalaam ee gudaha Muqdisho, waxaa halkaasi lagu diyaariyay goobo lagu nasto, meelo caruurtu ay ku ciyaaraan, waxaana indhahaagu qabanayaan is-dhexgal bulsho oo si weyn ugu faraxsan ciidda si wanaagsanna u labisan.

Xasan Aftin Maxamed oo ka mid ahaa dadkii tuuladan ku ciiday ayaa noo sheegay waxyaabihii ay indhihiisu qabteen ee ka soo jiitay Tuulada:

“Waxaa indhaheyga soo jiita damaashaadka dadka, waxaa iimuuqata in sanadkan uu ka duwan yahay sanadkii hore, goobaha ciyaalku ay ku ciyaaraan oo casri ah oo tiro badan ayaa lagu soo kordhiyay iyo makhaayado cusub oo tayo sare leh dadkuna si wanaagsan uga heleen, qofkii booqasho ku gaaraa wixii uu doono oo farxad iyo madadaallo ah wuu ka helayaa.”

Maxamed Maxamuud Cali oo ah maamulaha adeega guud ee deegaankaasi ayaa oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee SONNA, sheegay in dantooda ugu weyn ay tahay horumarinta bulshada:

“Daarusaalaam  waa meel loogu talagalay in caruurtu ay ku ciyaarto, si caruurta maskaxdooda ay u korto, islamarkaana ay isla qabsadaan caruurta iyo waalidiintooda, maxaa yaalaa qalab farabadan oo loogu talagalay in caruurtaasi maskaxdoodi lagu koriyo[ayaan keennay], marka waxaan rabnaa in caruurta si farxad leh ay wax ku bartaan, maadaama maskaxdooda ay dhismayso, bulshada Soomaaliyeedna waan uga mahadcelinaynaa sida ay uga qeybqaadanayaan damaashaadka beerta Daaruslaam”.

Si kastaba, Muqdisho ayaa waxaa laga furay goobo badan oo loogu talagay iney caruurtu ku madadaalato oo farxad iyo reynreyn ay ku qaataan maalmaha ciidda.

 

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close