WararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarashada XFS: Ciiddan Ciideeda Ku Gaara Barwaaqo iyo Nabad

Wasiirka Wasaaradda Waxbarasahda iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa hambalyada Ciiddul Fidriga hawada u mariyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka  joogaan.

Wasiirka ayaa bartiisa Twitterka waxa uu soo dhigay fariin ku aaddan hambalyada ciidda waxa uuna yiri:

“Waxaan hambalyo ku aaddan ciiddul fidriga u dirayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaa alle ka baryeynaa in aan ciiddan ciiddeeda ku gaarno barwaaqo, nabad iyo horumar laga gaaro siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.”

Si kastaba, maanta ayaa waxey tahay maalintii labaad ee Ciidul Fidriga oo sanadkan si khilaaf la’aan ah loogu ciiday guud ahaan dalalka Islaamka intooda badan.

 

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close