WararkaWaxbarashada

20% Caruurta Jarmalka oo Amnidarro Dareenta Xilliga Ay Iskuulka U Socdaan

Ra’yi uruurin laga sameeyay gudaha dalka Jarmalka ayaa lagu ogaaday in shan meelood oo meel ka mid ah caruurta Jarmalka ee da’doodu u dhaxayso 7 ilaa 10 jirka aaney dareemin ammaan xilliga ay Iskuulka u socdaan, xaaladda waddo marista darteed.

Ra’yi uruurintan ayaa waxaa sameyay mac’had dhanka cilmi-baarista siyaasadda ah oo fulinayay mashruuc xaaladda cararuurta lagu baarayo oo gudaha dalka Jarmalka laga sameeyay.

Warbixinta mac’hadka oo la soo bandhigay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee waddo marista, ayaa lagu sheegay in samiiga caruurta ammaandarrada dareenta xilliga ay waddooyinka marayaan uu gaaray 24% dhanka gabdhaha, halka wiilasha dhankooda uu noqday 17%.

15% caruurtii ra’yi uruurintu ay saameysay ayaa waxey sheegaysaa in aaney wax ammaan ah dareemin xilliga ay iskuulka u socdaan iyo xilliyada kaleba.

Maandeeq FM

Related Articles

Close