CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Baraha-bulshada iyo Mobile-ka Dartood: Qofku Waxa Uu U Baahan Yahay Inuu Saacadahan Hurdo

Haddii aad horey u aaminsaneyd inaad hesho hurdadii aad u baahneyd oo 8 saacadood aad furaashka huruddo habeenkii, markale fikirkaaga dib ugu laabo, daaraasad cusub oo dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in aan u baahan nahay 8 saacadood iyo bar hurdo ah isticmaalkeenna faraha badan ee Baraha-bulshada iyo mobile-ka darteed.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail”, cilmi-baarayaasha waxey caddeeyeen haddii uu qofku heli waayo hurdadii ku filneyd in maskaxdiisu ay ceeryaamo dabooleyso maalinta xigta, taas oo keeni karta khatarta ah iney qofka ku dhacaan cudurro dhowr ah oo ugu dambeyn geeri degdeg ah keeni kara.

Dr. Daniel Gartenberg oo wax ka dhiga Jaamacadda Pennsylvania ahna alifaaga daraasaddan oo khabiir dhanka hurdada ah oo ka tirsan WHO iyo akademiyada Mareykanka ee caafimaadka hurdada, xarunta xakameynta cudurrada iyo ka hortaggooda ee “CDC”, mac’hadyada waddaniga ah ee caafimaadka, waxa uu sheegay in dadka waaweyn ay u fiican tahay iney seexdaan 7saacadood wax ka badan, waxaase u wanaagsan ayuu yiri iney 8 saacadood habeenkii ka seexdaan.

Laakiin, waxaa jira waxyaabo ku tusinaya in habeenkii loo baahan yahay inuu qofku seexdo 8.5 saacadood wax ka badan, waa sida uu qabo Dr. Gartenberg.

Waxa uu hadalkiisa ku daray Dr. Garternberg : “Waxaan aamin sanahay inaan u baahan nahay inaan hurdo badan helno, maxaa yeelay; macluumaad badan ayaan mobile-ka ka helnaa, shaqooyinka ay maskaxdu qabato waxaa ka mid ah iney kaydiso macluumaadkii ay maalinta la kulantay oo ay kala saarto xilliga habeenkii ah.”

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close