WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub oo Daaha-Ka-Rogtay Tirada Madaxyada Nukliyeerka ah ee Musiibo Caalami ah Sababi Karta

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa ka digtay in weerar kasta oo nukliyeer saf ballaaran ah saameynta ka dhalataa aaney ku koobaan doonin dowladda la wareero oo qura ee  laakiin  ay u gudbi doonto dowladda weerarka geysata naftarkeeda.

Daraasadan ayaa ah  tii ugu horreeysay ee nooceeda oo kale ah oo la sameeyo, cilmi-baarayaashu  waxey ku qiyaaseen  madaxyada nukliyeerka raad musiibo ah dhalin karaa iney ay yihiin 15-kun oo madax nukliyeer ah, waxey sheegeen iney u dhigamaan 100 Nuclear bomb ah.

Khubaradan ayaa waxey ka digayaan in weerar weyn oo nukliyeer ah uu keeni doono saameyn caalami ah, malaayiin qofna ay ku dhiman doonaan, waxeyna u bixiyeen “Dayrta Nukliyeerka”, waxaa ka dhalan doonta ayey yiraahdeen cunno yari iyo iney dad badan gaajo u dhammaadaan.

Mareykanka iyo Rushku waxey haystaan kumanaan madax oo nukliyeer ah, halka Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha, India, Pakistan, Israel, Kuuriyada Waqooyi ay haystaan madaxyo nukliyeerka oo u gaarka ah.

Daraasadan cusub oo lagu soo daabacay joornaalka “Safety”, ayaa cilmi-baarayaashu ay darseen saddex siinaariyow oo kala duwan oo suuraggal ah iney wax u dhacaan: In la isku adeegsado 7 kun oo madax nukliyeer ah; in la isku adeegsado 1000 madax oo nukliyeer ah iyo in la is dhaafsado 100 madax oo nukilyeer ah. Sidaas oo kale waxey qiimeeyeen raadka deeggaan uu ku reebi karo dowladaha dhex-dhexaadka ah ee aan dagaalka ka qeybta ahayn.

Cilmi-baarayaasha ayaa aaminsan in 100 bam oo nuclear ah oo loo adeegsado magaalo ay dadku aad ugu badan yihiin, sida magaalooyinka waaweyn ee Shiinaha oo kale, qaraxa halkaa ka dhashaa uu dilayo 30 milyan oo qof oo dadka magaaladaas ka mid ah.

Khubarada ayaa waxey qiimeeyeen isbedelka cimillada ee ka dhalan karta weerarka iyo heerka qiiqa ee hawda sare aadaya, waxey sheegeen in boorka halkaa ka kaca uu daboolayo aragga qorraxda, arrintaas oo keenaysa in kuleylka uu hoos u dhaco roob aan xilligiisii la gaarinna uu soo da’ayo.

Marka ay ugu yara roon tahay, cilmi-baarayaashu waxey leeyihiin, cawaaqibta ka dhalaneysa weerarka waa mid halis ah oo aad u xanuun badan. Waxey sheegeen haddii la isku adeegsado 100 madax oo nukliyeer ah oo qura. In khasaaruhu uu noqonayo in dhul beeraaleyda ah ee dunida uu baaba’o 10-20%.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close