arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Australian Isagoo Nool Soo Baxay Kadib Markii uu Aasnaa 3 Maalmood

Fannan Australia ah oo la yiraahdo Mike Parr oo 73 sano jir ah ayaa 72 saacadood ku qaatay gudaha qabri meel waddo ah looga sameeyay.

Aaskiisa ayaa waxa uu ka qeyb ahaa bandhig weyn oo ka dhacay dalka Australia oo loogu magac daray “Underneath the Bitumen-the artist“, kaas oo tooshka lagu ifinayay gumeysiga ay ku noolyihiin dadka asalka(Cali-baysteyn) ah ee dalkaasi ku nool.

Fannaanka ayaa godka la geliyay Khamiistii lasoo dhaafay, kadibna waxaa lagu rogay ciid oo lagu aasay.

Laakiin, waxa uu haystay oxygen ku filan, biyo uu cabbo, buugaag uu akhristo, badhan uu gurmad ku dalban karo marka uu khatar dareemo, laakiin raashin ma aanuu haysan.

Maamulaha bandhigga ayaan waxa uu yiri: “Bandhiggan waxa uu tooshka ku ifinayaa dhibaatada uu gumeystuhu ku hayo dadka asalka ah ee dhulka iska leh.”

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close