arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Haweenka Sucuudigu Mihnaddan Kama Shaqeyn Karaan!

Afhayeenka rasmiga ah ee Wasaaradda Shaqada Sucuudiga Khaalid Abal al-khayl ayaa daaha ka rogay in haweenka Sucuudiga ah laga xannibay shaqada makaanigga oo aaney ka shaqeyn karin.

Abal Al-Khayl waxa uu yiri; “Mihnadani waa mihnad aaney ka shaqeyn karin dumarka Sucuudiga”, isagoon sheegin in gadaal looga ogolaan doono iyo in kale.

Sida ay qortay jariidada “alwatan”, Warbixinno ka soo baxayay gudaha Sucuudiga ayaa sheegay in dumarka Sucuudiyaanka ah loo ogolaan doono muhnado dhanka shaqooyinka baabuurta ku saabsan, sida; iney ka shaqeeyaan xarumaha gawaadhida lagu iibiyo iyo goobaha lagu qurxiyo, iyadoo arrintaasi ay barbar socoto ogalaanshiyaha loo siiyay iney gawaadhida kaxeeyaan.

Wasaaradda dowladaha hoose iyo reer miyiga ee Sucuudiga ayaa hoosta ka xarriiqday iney diyaarineyso deegaankii ku habboonaa ee dumarku ku shaqeyn lahaayeen.

Maandeeq FM

 

Show More

Related Articles

Close