WararkaWaxbarashada

Imaaraatka oo Degenaanshiyo Hal-sano ah u Fidinaya Muwaadiniinta Dalalka La Dhibaatoonaya Dagaallada iyo Musiibooyinka Dabiiciga ah

Golaha Wasiirrada Imaaraatka ayaa maanta oo Isniinta soo saaray go’aan daganaanshiyo hal-sano ah lagu siinayo muwaadiniinta dowladaha la daalaa dhacaya dagaaladda iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

Wakaaladda Wararka Imaaraatka ee (WAM) ayaa qortay in go’aanka loo qaatay “Si dowladda Imaaraatku u garab istaagta shacabka dowladahaa, illaa ay ka hagaageyso noloshooda ama ay karayaan iney dib ugu laabtaan waddankooda.”

Go’aankana ayaa waxa uu dhigayaa “In loo ogolaado dadka dowladaha ay dagaaladdu ragaadiyeen ama musiibooyinka dabiciiga ah ay ka dhaceen iney helaan daganaanshiyo sanad ah iyadoo aan loo eegeyn wax shuruud ah, inta u dhaxeysa August 1 ilaa 31 October sanadkan aan ku jirno, waana muddo la kordhin karo, iyadoo laga cafin doono ganaax kasta oo arrintaa ku saabsan.”

Sida ay Wakaaladdu qortay: “Go’aankan ayaa loo qaatay si dowladda Imaaraatku u noqoto dowlad shacab weynaha adduunka hoy u noqota iyo waddankooda labaad, iyadoo cid gaara ah oo go’aankan laga reebayaa aaney jirin, waa gacan la siinayo dadka u baahan ee tabarta daran daafaha kala duwan ee dunida.”

Dowladda Imaaraatka ayaa albaab cusub u furaysa oo ay ku daydaan dowlahada adduunka iyadoo muujineysa iney la danqaneyso dalalka ay dadkoodu dhibaatooyinka ku jiraan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close