WararkaWaxbarashada

Midkood Waxa uu Dhisay 90-Masjid! 4 Siyaasi oo Islaamka Si Aad Ah Ula Dagaallamay oo Markii Dambe Soo Islaamay

Axsaabta midigta fog waxa ugu daran oo ay aad uga walwalaan in xubin ka tirsan ay la caadifooto oo ay ka raacaan kooxihii ay ku tilmaamayeen argagixisada dushana ay ka saarayeen iney dhaqan baabi’is yihiin. Axsaabtaa waxaa ugu caansan kuwa Yurub ka aasaasmay ee handadaadda joogtada ah ku haya dadka muhaajiriinta ah iyo Muslimiinta waddamaa ku dhaqan oo ay fiditaankiisa u haystaan inuu khatar ku yahay diimaha ay haystaan ee Yahuudda iyo Masiixiyadda.

Hadaba, maanta waxaan idiin soo gudbineynaa warbixin ka hadleysa Afar qof oo tusaale u ah tijaabooyin kala duwan oo dad ka tirsan axsaabta midigta fog oo si weyn ula dagaalami jiray diinta Islaamka, laakiin markii dambe Islaamay oo qaarkood ay noqdeen dadka diinta faafiya oo dadka kale ugu yeera.

1- Maxence Buttey

Maxence markii hore waxa uu ka tirsanaa xisbiga midagta fog ee ka soo horjeeda dadka muhaajiriinta ah, waxa uu ka mid ahaa xubnaha ugu firfircoon ee xisbiga.

Waxa uu ahaa Masiixi catholic ah, waxa uu qaatay go’aanka ah inuu Islaamo kadib markii uu akhriyay Injiil oo uu ku arkay waxyaabo badan oo isburinaya, laakiin marka uu Qur’aanka akhriyay uu ku arkay waxyaabo badan oo caqliga la jaanqaadaya, waa sida uu sheegay, dood uu ka galay jariidada “Le Parisien”, ayaa waxa uu aad u difaacay Islaamka oo uu sheegay in ficillada xagjirka uu ka maran yahay, gaar ahaan ISIS, waxa uuna yiri: “Islaamku nama aanuu amrin in dadka madaxa laga jaro; taa iskaba daa’e waxa uu Islmaaku mideeyay ragga iyo dumarka Adduunka.”

2- Van Doorn

Waxa uu ahaa siyaasi Holland u dhashay oo aad uga soo horjeeday Islaamka, waxa uu ka qeybqaatay sameynta filim la magac baxay “al-Fitnah” kaas oo Islaamka iyo Muslimiintaba ku tilmaamaya iney yihiin dhibaato aan cafisba aqoon, damacooduna uu yahay iney dunida oo dhan la wareegaan, filimkaa waxaa soo saaray xisbiga xoriyadda Holland oo loo yaqaanno “Dutch anti-Islam Freedom Party”, waxa uu aad caan ugu ahaa khudbooyinkiisa uu ku muujin jiray cadaawadda uu Islaamka u hayo.

Waxa uu isku dayay inuu Qur’aanka iyo tafsiirkiisa akhriyo, qof macaariftiisa ka mid ah ayaa ku dhiirigeliyay inuu booqdo masaajid xaafadooda ku yaallay, aad ayaa loogu soo dhaweeyay sidii uu filanayay si ka duwan, maalin ayuu joogay Masaajidka, isagoo tijaabadaa ka sheekaynaya waxa uu yiri: “Waxaan dareemayay isku dhex yaac bilowgii hore, laakiin si degdegga ah ayaa dareenkaasi isku bedelay waxaan dareemay xasillooni gudaha ah.”, sanad kadib; wiil curadkiisa ahaa ayaa Islaamay, waxa uu ku saamoobay xasilloonida uu aabihii ka sheegay Islaamka markii uu masaajidka booqday, Qur’aanka ayuu bartay isagoo kaashanaya saaxiibkii “Yuunis”, kaas oo uu ku sheegay inuu maalin kasta baran jiray Qur’aanka, waxeyna ku ballameen iney Islmaaka difaacaan.

3- Arthur Wagner

Inta aanuu dhammaan sanadkii 2017, ayaa jaraa’idka caalamku faafiyeen warka ah inuu Islaamay siyaasiga reer Jarmal ee Arthur Wagner, kaas oo horey uga tirsanaa xisbiga AFD oo ah xisbiga saddexaad ee ugu baaxadda weyn dalka Jarmalka, waxaa lagu yaqaannaa sida uu uga soo horjeedo Islaamka, xitaa halkudhgga xisbiga ayaa laga dhigay doorashooyinkii baarlamaanka qaarkood “Islaamku kama tirsana Jarmalka”.

Siyaasiyiin badan oo xisbiga raacsan waxey ka soo horjeedaan in masaajid laga dhiso gudaha Jarmalka, waxa uu xisbigu ciidan jarmalka uu faran in xabbad lala dhaco muhaajiriinta isku dayda iney si dhuumasho ah ku soo galaan Jarmalka!.

Arthur ayaa waxa uu islaamka ka helay, tijaabo uu la yeeshay muhaajiriin Chechen u dhashay oo uu tarjumaan u noqday, halkaas ayuu Islaamka ka bartay sababna u ahayd Islaamnimadiisa.

Dood uu ka galay BBC ayuu ku sheegay in uu Islaamka ka helay wixii u doonayay; waxa uu yiri : “Islaamka waxaan ka helay qiimihii aan rabay ee la jaanqaadaysay mabaa’didaysa siyaasadeed.”

4- Kar Sevak

Masaajidka Babri waa halka uu ka bilowdo khilaafka Muslimiinta iyo Hunduuska ku dhaqan India, waxa uu xoogga khilaafkaasi soo shaac baxay kadib markii dad kor u dhaafaya 150 kun oo qof ay Masaajidka burburiyeen December, 1992, sababta masaajidkaa taariikhiga ah ee dhisnaa 5 Qarni ay u burburiyeen ayaa ahayd in muslimiintu ay xilligii xukunka Mongols ay halkaa ka burburiyaan goob illaahooda “Ram” lagu caabudo, intii masaajidkaa la dumiyay ilaa hadda murankii xilligaa bilowday weli uu ka taagan yahay gudaha dalka India.

Dadkii duminta masaajiskaa  waxaa hoggaaminayay Kar Sevak, waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee minaaradda Masaajidka kora si uu u dumiyo.

Kar Sevak wuu Islaamay, waxa uu isku bedelay daaci diinta faafiya oo u kala goosha deegaannad kala duwan ee India, magaciisa waxa uu u bedelay “Maxamed Caamir“, waxa uu tilmaamaa in masaajidka Babri markii uu duminayay uu aad ugu faraxsanaa, maadaama uu fulinayay fikirkii uu xilligaa aaminsanaa,  laakiin markii uu gurigiisa ku soo noqday uu arkay qoyskiisa oo aad uga careysan ficilka uu sameeyay, xilligaa wixii ka dambeeyay waxa uu isku dayay inuu Muslimiinta ka agdhawaado si uu u raalligeliyo, taas oo markii dambe ku riixday inuu Islaamo. Waxa uu ballanqaaday inuu dhiso 100 masjid, illaa hadda waxaa u suuraggashay inuu dhiso 90 Masjid oo waaweyn.

Maandeeq FM

Related Articles

Close