WararkaWaxbarashada

Daraasad: Dadka Rayidka Ah ee Dalkan Ku Dhaqan Waxey Haystaan Kala Bar Hubka Gacanta Ugu Jiray Rayidka Dunida… Yemen Kaalinta Labaad Ayey Ku Jirtaa

Daraasad natiijadeeda la faafiyay Isniintii ayaa sheegaysa in dadka Mareyka oo 4% ka ah dadyowga adduunka ay haystaan 46% hubka dadka rayidka ah gacantooda ku jira daafaha kala duwan ee Adduunka, kaas oo gaaray 857 milyan oo qori dhammaadka sanadkii 2017.

Mashruuc cilmi-baaris ah oo cusub oo laga fuliyay Geneva, ayaa lagu ogaaday iney  jiraan bilyan qori oo daafaha adduunka yaalla, 85% waxey gacanta ugu jiraan dad rayid ah, halka ciidamada iyo wakaaladaha ammaanka ay gacanta ku haystaan.

Waxaa ku kordhaday tirada qoryaha dadka rayidka ah gacantooda ku jiraa 650 milyan oo qori sanadkii 2006 ilaa uu ka gaaro 857 milyan sanadkii la soo dhaafay 2017.

Daraasaddan ayaa daaha ka rogtay in dhammaadka sanadkii hore, 100 qof ee ku nool Mareykanka ay haysteen 120 qori, waxaa kaalinta Labaad soo gashay Yemen oo 100 kii qof ee rayid ah ay haystaan 53 hubka noocyadiisa kala duwan.

Daraasaddan ayaa lagu soo bandhigay shir jaraa’id oo shalay lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Aaron Karp oo daraasaddan hoggaaminayay ayaa yiri: “Awoodda ugu ballaaran ee qori iibsata daafaha kala duwan ee dunida waa rayidka Mareykanka. Dadka caadiga ah waxey iibsadaan 14 milyan oo qori oo cusub sanad kasta.”

Dadkii daraasaddan sameeyay ayaa waxey tilmaameen in diiwaangelinta hubka dadka rayidka laga sameeyo 133 dowladood, laakiin waxa macluumaadka ay haystaan uu yahay 28 dowaladood oo qura.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close