WararkaWaxbarashada

Dhacdo Naadir ah oo Aan La Arkin Muddo 15 sano Ah oo Dhulka Ku Soo Foolleh

Dhulku waxa uu ku dhow yahay inuu qaabilo dhacdo Astronomy naadir ah marka la gaaro bisha July, meeraha Mars ayaa samada laga arki doonaa.

Sida ay qortay jariidada Times, Mars waxa uu usoo dhawaanayaa dhulka si weyn, isagoo oo aad u ifaya, waana dhancdo aan dhulka laga arkin muddo 15 sano ah.

Wakaaladda NASA ayaa sheegtay in muuqaalkan oo loo yaqaanno “Mars Close Approach”, ayaa waxa isku beegmaya dhulka iyo Mars wareegoodda ay qorraxda ku sameeyaan marka la gaaro  July 31, xilligaas oo isha caadiga ah lagu arki karo, iyadoo masaafadda ay dhulka isku jiraan ay noqoneyso 35.8 Million mile.

Mars oo loo yaqaanno “Meeraha Cas” ayaa waxa uu noqonaya xajmigii lagu yaqaannay mid ka weyn, marka lagu eegayo Telescope-ka, waxa uuna fogaanayaa dhexbartamaha August oo uu dhulka ay kala durkayaan.

Waxaa xusid mudan, in Mars uu yahay meeraha ugu adag ee la arki karo, xitaa qalabka loogu talagalay in lagula socdo xidigaha, in isha caadiga ah lagu arki karo waxey ka dhigan tahay iney tahay munsaabad qiimo badan.

Si kastaba, Mars ayaa dhulka usoo dhawaaday 15-17sanaba mar, markii ugu dambeysay ee la arkaa waxey ahayd 2003, xilligaa oo uu dhulka ka fogaa masaafo dhan 34.9 Million mile.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close