WacyigelinWararkaWaxbarashada

Inaad Wanaagsan Tahay Ayaa Ka Muhiimsan Caqli Badnaantaada!

Maanta waxaan idiin soo gudbineynaa maqaal uu qoray William C. “Bill” Taylor waxa uu ka qeyb ahaa aasaasayaasha shirkadda Fast Company, waana qoraaga buugga “How Great Organizations Do Ordinary Things in Extraordinary Ways” sidee mu’asaasaaska sarsare ay ku sameeyaan arrimaha caadiga ah waddooyin cajiib ah.

Maqaalka waxa uu ku bilaabay sidan:

Sheekooyinka dareenka qofka taabanaya ee Internet-ka laga heli karo ayaa waxaa ka mid ah; mid dhex martay wiil dhalinyaro ah, ayaydii iyo maqaaxi. Waa sheeko gaaban laakiin laga faa’iidi karo duruus farabadan oo ku saabsan, adeegga macaamiisha, shaqada wanaagsan iyo bani’aadamnimada. waa sheeko hoosta ka xarriiqaysa in ixsaanka wax la siisan karo aanuu jirin.

Sheekada ayaa sidan u dhacaysa, waa sida lagu daabacay joornaalka (AdWeek): Brandon Cook oo ka soo jeeda Wilton, N.H., ayaa booqasho ugu tagay ayeydii oo isbitaal ku jirtay. Waxaa hayay kansar, wiilka ay ayeeyada u tahay waxey u sheegtay iney u xiistay maraq, kan  isbitaalka lagu sameeyaana aanuu maraq fiican ahayn, waxey ka codsatay inuu maraq uga keeno maqaaxida ay jeceshahay ee la yiraahdo “Panera“.

Laakiin mushkiladda jirtay ayaa ahad in Panera ay maraqaas sameyso Jimcaha oo qura, Brandon waxa uu la hadlay maqaaxidii, waxaa loo gudbiyay maamulaha oo la yiraahdo Sue. Wey ka ogolaatay iney maraqii u sameyso, waxeyse usoo raacisay gasac yar oo macmacaan ku jiro oo lagu sheegay hadiyadda shaqaalaha.

Waxa uu ahaa dhaqan wanaagsan oo fudud inta badanna aan warbaahinta soo gaarin, marka laga reebo Brandon oo sheekadan bartiisa Facebook soo dhigay, Brandon hooyadii sidaa oo kale ayey sameysay, waxaa ka helay oo Like yiri 5,000,000 oo qof, waxaa laga soo dhiibtay 22,000 comment ah. Maqaaxida Panera waxey heshay waxaaney ka heli lahayn xayaysiin kasta oo ay sameyso, waxaa dareen wanaagsan iyo qadarin u qaaday dadbadan oo daafaha kala duwan ee dunida ku sugan.

Xilli aan akhrinayay sheekadan Brandon iyo ayeydii ayaan xasuusta dib u celiyay, waxaan igu soo dhacday xasuusta muxaadaro uu jeediyay “Jeff Bezos” milkiilaha iyo aasaasaha Amazon uuna u jeediyay khubarada ka qalinjabisay Labada jaamacadooda ee Ummadda iyo Princeton ee ka dhisan gudaha dalka Mareykanka, waxa uu kala hadlay awoodda dareenka iyo midda maskaxeed, waxaana uu soo qaatay tusaale ayeydii iyo wixii uu ka bartay maalintii uu ka oohiyay.

Bezos waxa uu ahaa qof caqli badan, shaqo jecel xitaa isagoo 10 jir ah. Iyagoo xilli fasax ku jira ayeydiina ay wada socdaan ayaa waxa uu xami kari waayay sigaar cabista ayeydii, waxa uu go’aansaday inuu ayeydii si un wax u sheego, waxa uu soo uruuriyay haashka sigaarkii ay cabtay maalintaa, waxa uu xisaabiyay inta jeer ee ay sigaarka kasta nuugtay, waxa uu u sheegay khatarta afuuf kastaa uu leeyahay, waxa uu si adag ku yiri “Noloshaada 9sano ayaad ku ciyaartay”.

Ayeydii ayaa si aanuu fileyn ugu jawaabtay. Wey ooyday. Gaarigii ayey wadada dhinaceeda joojisay, waxey ka codsatay inuu gaariga ka dago, waxa uu yiri: “Awowgey ayaa isoo eegay, markii uu in muddo ah aamusnaa ayaa si daggan waxa uu iigu sheegay, maalin ayaad fahmi doontaa in dhimrintu ka wanaagsan tahay caqi badnaato.”

Casharkaasi waa kan aan doonayo iney fahmaan ganacsatada maanta.

Shaqaalahaaga dhiirigeli si ay shaqada ugu wanaagsan u gutaan. Laakiin ku dadaal inaaney bani’aadamnimada ka tagin: waxaa jirta dhacdooyin yaryar oo farriimo meelo dhaadheer gaara sameeya. Ugu dambeyn, inaan dad dhimraya oo wanaagan noqonno ayaa ka fiican inaan nahay dad caqli badan!.

Qoraalkan waxaa qoray Bill Taylor oo ku daabacay joornaalka Harvard Business Review, Maandeeq FM waxey leedahay Tarjumaadda oo qura.

Maandeeq FM

Related Articles

Close