WararkaWaxbarashada

Tartanka “Hal-doorka” ee u Dhexeeya Shirkadaha Apple, Netflix & Amazon: Apple oo La Wareegtay Oprah Winfrey

Shirkadda Apple ee caanka ah ayaa waxey heshiis la gashay hawenayda dhanka telefishinka xidigta ka ah ee la yiraahdo Oprah Winfrey oo ka qeybqaadan doonta barnaamijyo ay shirkaddu leedahay oo u gaar ah oo laga sii dayn doonto Apple TV, heshiiskan ayaa imaanaya xilli ay shirkaddu dadaal ugu jirto iney la tartanto shabakadaha waaweyn ee dhanka madadaalada ka shaqeeya ee Netflix iyo Amazon.

Shirkadda ayaa bayaan ay soo saartay waxey ku sheegtay: “Apple waxey iskaashanayaan Winfrey, si ay u diyaariso barnaamijyo ay shirkaddu leedahay oo lagu xoojinayo xiriirka ay macaamiisheeda la leedahay, barnaamijyada ay qabataa waxa uu qeyb ka noqonayaa wax-soo-saarka asalka ah ee shirkadda.”

Apple ma aaney sheegin qiimaha heeshiiska ay la gashay Oprah iyo iney ku koobnaan doonto barnaamij soo saaris ama ay ka qeybqaadan doonto soo jeedinta barnaamijyada. Laakiin heshiiskan ayaa la tilmaamey inaanuu saameyn ku yeelan doonin Oprah kan ay  kula jirto shabakadda OWN oo ay hawada soo gelisay 2011, warbixinno la helayo ayaa tilmaamay in Oprah heshiiska ay OWN kula jirto la kordhiyay oo la gaarsiiyay ilaa 2025.

In Oprah ay ku biirto Apple wax la fogeysan karo ama filaan ah maaha, maadama uu maalinba maalinta ka dambeysa uu sii kordhayo tartanka kala dhaxeeya Netflix iyo Amazon.

Eddy Cue oo ah ku xigeenka madaxa Apple ayaa CNN u sheegay in: “Waxba kama naqaanno telefishinka, waana sababta aan u raadineyno dadka hal-abuurka leh ee arrintaa ku wanaagsan. Waxyaabo badan oo aan ku wanaagsan nahay ayaa jira App-ka sida loo sameeyo oo kale, sida loo qaybiyo loona iibgeeyo, laakiin ma naqaanno sida bandhigyada loo sameeyo.”

Netflix ayaa dhawaan la saxiixatay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle Obama oo si wada jir ah u daadihin doona barnaamij aan siyaasad ahayn, laakiin lagu wareysan doono shakhsiyaad muhiim ah oo guulo dhanka nolosha ah gaaray.

Maandeeq FM   

Related Articles

Close