WararkaWaxbarashada

Mareykanka.. Shahaadada Lahaanshiyaha Daahroggii 10-milyanaad oo Dalkaa Laga Bixiyay

Xafiiska Mareykanka ee u xilsaaran diiwaangelinta “Lahaanshiyaha daahrogyada” iyo calaamadaha gacansiga, ayaa talaadadii soo saaray, shahaadada lahaanshiyaha daahroggii 10 milyanaad ee taariikhda dalkaasi.

Daahroggan ayaa waxaa sameeyay Joseph Marron oo loo diiwaangeliyay, waxa uu horumarin ku sameeyay qalab fogaan dareen ah oo bixinaya midab gaar ah oo loo yaqaanno LADAR, waxaana uu usoo saaray shirkadda Raytheon Company ee ku takhasustay nidaamka difaaca.

Nidaamka diiwaangelinta daahrogyada ayaa laga bilaabay dalka Mareykanka 228 sanno ka hor, xilligaa oo daahroggii ugu horreeyay uu diiwaangeliyay madaxweynihii ugu horreeyay dalka Marykanku yeesho George Washington.

Kala bar daahrogayadaa 10 Milyan ah waxaa la gaaray 30 kii sanno ee la soo dhaafay.

Sida ay qortay VOA, Wasiirka Ganacsiga Mareykan Wilbur Ross ayaa yiri: “Muhiimadda nidaamkeenna diiwaangelinta daahrogyada sidii la rabay ma’aanuu ahayn, marka aan eegno sida degdegga leh ee ay isbedelladu u socdaan, waxaan ognahay inaaney qaadaneyn 228 sano oo kale diiwaangelin 10 milyan ee daahrogyada ah ee xiga.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close