WararkaWaxbarashada

Somaliland: 28-kun oo Arday oo U Fariisaneysa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Sanad dugsiyeedka 2017/2018

Sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland sanadkan waxaa imtixaanka shahaadiga ah u fariisanaya arday gaareysa 28 kun oo arday oo 18 ka mid ah ay yihiin dugsiga dhexe.

Yaasiin Xaaji Maxamuud  Xiir ‘Faratoon’, wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo Isniintii shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay xilliga imtixaanka uu dhacayo iyo tirada ardayda ka qeybgaleysa:

“Bishan aan ku jirno Soddonkeeda ayuu imtixaankii bilaabmayaa, goobihii waa la soo baahinayaa waa la soo sheegayaa, dhammaan guddoomiyeyaasha gobollada, degmooyinka, arrintaa waa la soo gaarsiinayaa, waxa ugu horreeya oo aan baahineynaa waa arday 28-kun ah iney imtixaankaa galeyso oo 18 kun iyo dheeraad ay yihiin dugsiyada dhexe, 10 kun oo dhowdhowna ay yihiin kuwa dugsiyada sare fasalka Afaraad galaya, guud ahaan marka la isku geeyo waa 28 kun iyo dheeraad ardayda.”, ayuu yiri Wasiir Faratoon

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Farriinta ugu adag ee aan rabno inaan gudbinno wax weeye in aanan ogoleyn wixii la oran jiray qishka, sidaa daraadeed ciddii lagu qabto iney muteysan doonto in imtixaanka laga baabi’iyo, ciddii ku caawisana inaan maxkamad la tiigsan doonno aanan la saamixi doonin.”

Si kastaba, Sanadkii hore ayaa sidan oo kale waxaa imtixaanka shahaadiga ah u fariistay 28 kun oo arday oo 17 ka mid ah ay yihiin dugsiga dhexe halka 11 ay ahaayeen dugsiga sare ee F4.

Maandeeq FM

Related Articles

Close