arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Tan oo Kale Ayaa Qabsata Qafka Laba ‘Libaax Layrta Jiifa’ (Muuqaal)

Jariidada “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa qortay in dalxiise Joogay beerta safari ee xayawaanka lagu xanaaneeyo Koonfur Afrika, uu isku dayay inuu gacanta u fidiyo libaax layrsanaya, isagoo gacanta ka dhiibtay dariishad furan gaari uu saarnaa, libaaxii ayaa miciyaha ula baxay oo isku dayay inuu soo weeraro.

Ninkii waxaa ku dhacay argagax oo degdeg ayuu dariishaddii ku xiray.

Shaqaale ka tirsan beerta Safari oo la yiraahdo Naas Smit ayaa yiri: “Arrin aad u xun ayey ahayd. Libaaxu waxa uu leeyahay awood ku filan oo gacanta uu ku siibo, isaga oo dhanna inta uu gaariga kala baxo uu cadcad u googoosto ama inta uu ka soo galo dariishada furan oo uu dilo cid kasta oo ku jirta gudah gaariga.”

Naas, isagoo dhaqankan oo kale ka digaya ayaa waxa uu yiri: “Dadka sidan oo kale ula dhaqma xaywaanka dad cunka ah, waxey helaan waxey mudan yihiin!.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close