WararkaWaxbarashada

Agaasimihii Hore ee W.Waxbarashada Somaliland oo Ka Digay Khatarta Qishka “Abaabulan” U Leeyahay Imtixaanka Shahaadiga ah

Agaasimihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo qorsheynta Somaliland Prof. Cabdi Cali Jaamac, ayaa ka digay nooca qishka ugu khatarta badan ee saameynta ku yeelan kara imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland.

Prof. Cabdi Cali  oo la hadlay “Saab TV“, ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, hadallo baraarujin ah oo uu hawada u mariyay wasaaradda Wabarashada oo uu u sheegay inaaney hoos uga soo dhicin heerkii ay gaarsiiyeen ilaalinta imtixaanka ee sanadkii la soo dhaafay:

“Wasaaradda Waxbarashada iyo Xafiiska imtixaanaadka waxaan leeyahay, waan idin challenge-gareynayaa, waan idin carinayaan, waxaan idin leeyhay halkii aynu geynnay haddaa hoos uga soo dhacdaan waanu idin arkaynaa, ilaalinta imtixaanka halkii sanadkii hore aanu geynnay haddaa hoos uga soo dhacdaan waanu idinla soconnaa, dowladdu wey idinla socotaa, baarlamaanku wuu idinla socdaa, dadka daneeya waxbarashada tayada leh wey idinla socdaan.”

Waxa uu ka hadlay nooca qishka uu ka cabsida qabo inuu yahay kan abaabulan oo iskuulka, waalidiinta iyo ardayda qaar ay shirkada ku yihiin:

“Qishka aan ka hadleynaa waa kan nidaamsan ee abaabulan ee aan la iskula yaabeyn ee macallimiintii iyo iskuulkii iyo waalidka qaarkood iyo ardayda dhexdooda cid waliba ay isla caawineyso ee laga wada howlgalayo ee aan la qarsaneyn. Arday yar oo qishaya ilaaliye daacad ah ayaa ku filan.”, ayuu yiri Prof. Cabdi Cali.

Si kastaba, bishan aan ku jirno Soddonkeeda ayaa loo ballansan yahay imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland, iyadoo sanadkan ay imtixaanka u fariisan doonaan 28-kun oo arday.

Maandeeq FM    

Show More

Related Articles

Close