TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Cusbooneysiin Lagu Sameeyay “Instagram” oo Dhibaato Ku Noqoneysa “YouTube”

Barta caanka ah ee “Instagram” ee ay leedahay shirkadda Facebook, ayaa ku dhawaaqday iney soo kordhisay qeyb loogu talagalay muuqaallada video-ga ee waqtiga dheer soconaya, waxaa la ballaaraniyay barnaamijkii sawirka lagu wadaagi jiray oo muuqaal baahin lagu soo kordhiyay.

Madaxa Instagram Kavin Systrom ayaa sheegay in qeybtan cusub aad gashan karto faylasha IGTV-ga ah, waxaa ka qeyb noqonaya muuqaallada ay internet-ka ku baahiyaan fanaaniinta iyo  dadka kale ee caanka ah.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in qeybtan cusub ay marka hore adeegga Instagram ka qeyb noqoneyso, laakiin marka dambe ay qorsheynayaan iney noqoto mid iskeed u taagan.

Systrom, waxa uu saxafiyiinta, shaqaalaha iyo dadka muuqaallada sameeya u sheegay in Instagram xilliyaddii dambe dadka adeegsadaa ay gaareen hal-billion oo qof oo si bille ah ugu xiran barta.

Maandeeq FM

Related Articles

Close