arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dowlad Islaam ah oo Laga Mamnuucay Guurka Xaasaska Badan

Baarlamaanka Dowladda Turkmenistan ayaa meelmariyay sharci lagu mamnuucayo xaasaska badan iyo qofka ragga ah inuu guursado hal-haween ah wax ka badan.

Qaanuunka ayaa waxa uu ahaa dib u eegis lagu sameeyay xeerka qoryska dalkaasi, waxaa ansixiyay baarlamaanka, waxaana saxiixay madaxweynaha waddankaasi ee Gurbanguly Berdimuhamedow.

Qaanuunka la meelmariyay ayaa waxa uu dhigayaa: “Lama ogola guurka hal-haween ah wax ka badan gudaha Turkmenistan.”, qaanuunku waa la sii faahfaahinayay waxa uuna leeyahay ragga looma ogola iney guursadaan labo dumar ah ama wax ka badan.

Waxaa xusid mudan, in dadka Turkmenistan ay inta badan yihiin dad aaminsan diinta Islaamka oo haysta oo ninka ragga ah loo ogolyahay inuu guursado (4 dumar ah). Qofka xeerkan jabiy waxa uu mutaysan karaa  2 sano oo shaqo dan guud ah ama ganaax lacageed oo aad u tiro badan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close