WararkaWaxbarashada

Maalinta Caalamiga ah ee “Yoga”: Wax Ka Ogow Noocyadeeda Ugu Yaabka Badan ee Dunida Ku Shaacsan

Inta badan dadku wey yaqaanaan sports-ka Yoga-ha la yiraahdo, xitaa cidda aan gareyn ugu yaraan warkeedu wuu soo gaaray, laakiin weligaa ma maqashay Yoga-ha qosolka?

Dabaaldagga maalinta caalamiga ah ee Yoga waxa uu bilowday sanadkii 1995 oo gudaha dalka India laga bilaabay, kadibna waxaa ku raacay Qaramada Midoobay oo laga ansixiyay maalintaa caalamiga ah.

Yogaha qosolka, dad koox ah ayaa waxey sameynayaan dhaqaaq gaar ah iyagoo qoslaya isla markaana si wanaagsan u neefsanaya.

Haddii qosolku kugu adkaado, isku day idigoo dadka kugu hareeraysan la jaanqaadaya. Xoogaa ilbiqsiyaha marka aad joogto, waxaa xubaal ah inaad adna qosolka ku darsaneyso, looma baahna qosol matalaad ah ama kalifaadi ku jirto.

Dadka ciyaartan ku xeeldheer waxa ay aaminsan yihiin in qosolku uu yahay wax lakala qaado oo dadku ay isku daartaan.

India kadib, waxaa sports-kani ku faaftay dalal kala duwan oo dunida ah oo  ilaa hadda gaaraya 100 waddan, waddan kastaa waxey leedahay xarun caafimaad oo si xirfadeysan loogu sameeyo ciyaartan.

Sanadkii 2000, gaar ahaan bishii May ayaa magaalada Copenhagen waxey dhigtay record , waa isugu yimid 10-kun oo qof oo mar qura isla sameeyay sports-ka Yoga-ha qosolka ah.

 

Maandeeq FM

 

Show More

Related Articles

Close