TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

5 Xaqiiqo oo Aadan Ka Aqoon “Baraha-bulshada”.. Tan Ugu Khatarta Badani Waa Da’yarta oo Niyad Jabka Ka Qaada

Sida lagu ogaaday Survey ay sameysay “Social Media Today“, qiimeyntii la sameeyay waxey sheegaysaa in dadka intooda badan ay maalintii ku qaataan Baraha-bulshada 2-saacadood, arrintaas oo ka dhigan in 40-daqiiqo in aan ku qaadanno YouTube, 35-daqiiqo aan ku bixinno Facebook, 25-daqiiqo aan ku qaadanno Snapchat, 15-daqiiqo Instagram iyo daqiiqad kaliya oo aan ku qaadanno Twitter.

Hadaba, waxaan tooshka ku ifineynaa xaqiiqooyin dhowr ah oo ku saabsan Baraha-bulshada:

1- Facebook Hackers lacag ayey ku bixisaa

Facebook si uu awoodda tuugada wax jabsata u  tijaabiyo, waxa uu ugu yeeraa iney barta god-dalool laga soo weerari karo ay ka soo saaraan, haddii ay soo helaan waxa uu ku abaalmariyaa lacago.

2- Warbaahinta Bulshada waxey xoojisaa xiriirka romantigga ah.

Caadooyinka aad leedahay ee dhanka Baraha-bulshada waxey saameysaa noloshaada romantigga ah, daraasad ay sameysay shirkadda “Newturk”, ayaa sheegaysa in 74% dadka lamaanaha ah ay Baraha-bulshadu xiriirkooda adkeeyeen sidii hore si ka wanaagsan.

3- Caruurta oo u Dhaga-nugul codsiyada ku darsashada ee “WhatsApp”

Sida ay sheegtay “cyber safety“, 65% caruurta wey aqbaleen codsiyda dadka ku darsanaya WhatsApp ee aaney garaneyn. Sidaa darteed haddii aad caruur leedahay ka ilaali dadka aaney gareyn oo khatar badani ay uga imaan karto.

4- Da’yarta Waxey Ka Qaadaan Niyad-jab

Sida ay sheegtay dhakhataradda cilmiga-nafsiga Katie Hurley, 10-kii sano ee la soo dhaafay waxaa si aad ah u soo kordhay xaaladda qalbi-jabka ah ee da’yarta soo koreysa, sanadkii 2005 waxey ahayd 8.7% ilaa uu ka gaaro 11.3% sanadkii 2014.

5- Si Aad Like u hesho wey adag tahay

Haddii aad ka mid tahay malaayiinta Baraha-bulshada isticmaala ee u raadiya in “Like”,  qoraallada ay Facebook soo dhigaan, waxaa kuu wanaagsan inaad iska sugto isbuuc!. arrintan ayaa tilmaameysa sida inaad like heshaa ay u adag tahay.

Maandeeq FM

Show More

Related Articles

Close