TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

70-sanno Guuradii Ka Soo Wareegtay Sameynta The ‘Baby’ oo Hormuud u Noqday Kacdoonka Computerrada Casriga Ah

Computer-kii ugu horreeyay ee digital ah ee aadanuhu uu daahrogo ee xajmigiisu yaryahay ayaa laga sameeyay gudaha magaalada Manchester ee UK sanadkii 1948, waana sida ay qabaan khubaro badan oo dhanka teknolojiyada ah iyo taariikhyahanno.

Mishiinkii ugu horreyay ee Digital ah xajmigiisu waxa uu la mid ahaa qolka hurdada oo weyn oo kale, waxa uu yaallay jaamacadda Manchester, 11-kii Subaxnimo, markii ay taariikhdu ahayd June 21, 1948. Waxaa loogu magac daray magaca “The Baby“, shaqo kasta oo lagu qabanayo waxay qaadaneysay 52-daqiiqo, isagoo sameynaya 3.5 howlqabad xisaabeed ah.

Xilligaa computer-ka Ingiriiska waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa kacdoon dhanka teknolojiyadda ah, kaas oo horumarkii laga gaaray tobanaankii sanno ee ka dambeeyay lagu tiigsaday computer laga ganacsado oo xajimiguusi aad u yar yahay.

Dr “Tommy Gordon Thomas oo hadda 90-jir ah, xilligaa waxa uu ahaa 19-jir markii daahroggan kacdoonka ah ee dhanka teknolojiyadda la sameynayay, waxa uu ka mid ahaa koox khubaro da’yar ah oo Manchester joogtay, waxa uu BBC u sheegay: “Aniga muhiimaddeydu waxey ahayd inaan sameeyo naqshadda physics-ka ah ee qolofka macdanta ah ee computer-ku ku fariisanayo.. shaqo howl wadareed ah ayey ahayd, waa xilligii dagaalkii Labaad ee adduunka, arrintu tijaabo xiisa leh ayey noo ahayd.”

Waxaa la aaminsan yahay in kacdoonka computer-ka casriga ah uu halkaa ka bilowday, waxa uu ahaa computer-kii ugu horreeyay ee xajmigiisu yaryahay, waxaa xilligaa jiray computerro waaweyn oo heer dhisme oo kale le’ekaa.

The Baby, waxa uu albaabada u xaaray in la helo computer-kii ugu horreeyay ee laga ganacsado suuqyda adduunkana buux dhaafiyay illaa maantadan aan joogno.

Maandeeq FM

Related Articles

Close