WararkaWaxbarashada

Wasiirka Waxbarasahda XFS: Imtixaanka Dugsiga Sare ee Reer Beledweyne Ayaan Rabnaa Inaan Berri Daahfurnno

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo xubno ka socday dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa barqonimadii maanta  gaaray magaalada Beledweyne ee Caasimadda gobolka Hiiraan.

Soo dhaweynta wefdigan waxaa ka qeybgalay maamulka Beledweyne qeybihiisa kala duwan iyo qaar ka mid ah Bulshada rayidka ah oo halkaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay.

Wasiirka Waxbarashada Cabdiraxaan Daahir Cusmaan oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay ulajeedka safarkiisa uu ku gaaray magaalada Beledweyn, waxaana uu yiri:

“Arrinta meesha taalla maanta aan u nimid waxa weeyaan; waad ogtihiin imtixaankii wuxuu ku soo beegmay xilli ree Hiiraan iyo dalka meelo badan oo ka mid ah iyo Shabeellaha Dhexe fatahaadii webiga ay socotay oo suuraggal aysan ahayn imtixaankii inuu dhaco, annagana waxaan qaaddanay go’aan oo aan kala tashannay dadkii gobolka markaas joogay iyo maamulka Hirshabeelle, waxaan isla gaarney ineysan suuraggal ahayn in imtixaan la sameyn karo oo dhalinyaradii ka baxaysay iskuullaadka ay ku noqoneyso dhibaato, markaa dib baan u dhignay. Hadana waxaan helnay dalab ah sanadkan oo dhan yuusan dhaafin oo haddii uu dib u sii dheeraado laga yaabee inuu xilliyadii imtixaanka la saxayay xilliyadii ay deeqaha waxbarasho dalbanaayeen inuu dhaafo, si aan hal-sanno uga khasaarin in imtixaankii hadda laga qaado.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay iney maallinimada Berri ah ay daahrogi doonaan Imtixaanka Shahaadiga ah:

“Haddii Alle Yiraahdo Berrito, kooxdii farsamayaqaannada ee imtixaanka ku mashquulsanaa waxey yimaaddeen shalay barrito ayaan rabnaa in imtixaankii la bilaabo oo 1,400 oo arday oo imtixaanka dugsiga sare u fariisaneyso ayaan barrito rabnaa inaan daahfurno, reer Beledewyne aan u rajeynayno natiijo fiican dhalinyaradani ay ku gudbaan iyagoo duruufo adag soo maray.”

Si kastaba, ardayda F4 ee magaalada Beledweyne ayaa ka baaqday imtixaanka shahaadiga ah ee ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada XFS oo 24 May, la soo gabagabeeyay, kadib markii biyaha webiga Shabeelle uu magaalada ku soo rogmaday oo suuraggal ay noqon weyday in ardaydaasi ay imtixaanka u fariistaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close