arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waxa Uu u Baallanqaaday Guur Wuuse Uga Baxay.. Xafladdii Arooskiisa Ayey Ka Aargoosatay (Muuqaal)

Waxa uu u ballanqaaday inuu guursan doono, waxeyse ogaatay inuu mid kale guursanayo, habeenkii xafaladdiisa arooska ayey soo xiratay toobkii caruusadda oo ay soo horistaagtay. Arrintan ayaa la yaab ku noqotay dadkii martida ahaa ee arooska ka soo qeybgalay.

Dhacdadan oo ka dhacday magaalda Benoni ee South Africa  ayaa muuqaal laga duubay ay dadku si weyn uga hadalhayaan Baraha-bulshada. Haweenaydii uu arooska uga baxay ayaa aad uga qeylisay xafladda, halka aroosaddii ay dhacdada iska daawaneysay iyadoo wax falcelin ah aan sameyn.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail“, Markii dambe xaaladdu waxey gaartay in la-dagaalamo oo haweeneydii arooska looga baxay ay garaacdo ninkii ay ka aargoosaneysay ee xafladdiisa aroosku ay socotay.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaal:

Maandeeq FM

Related Articles

Close