WararkaWaxbarashada

Adeeg Lasoo Hindisay oo Aad Ku Ogaaneyso Laacibka Aad Isa Shabahdaan ee Ka Ciyaaraya Koobka Adduunka 2018

Cilmi-baarayaal ka tirsan Wakaaladda Wararka ee Norway, ayaa waxey hindiseen VG ah qalab garaad smarts ah ku shaqeeya oo isticmaala Technique-ga garashada wejiga si loo ogaado laacibka kuu eeg ee kubadda cagta ciyaara.

Garaadka smarts-ka ayaa isku dayaya inuu akhriyo muuqaalka wejiga oo uu barbardhigayo laacibiinta xirfadlayaasha ah ee Kubadda Cagta ka ciyaaraha oo gaareya 736 laacib, kuwaas oo hadda u tartamaya xulalka waddankooda Koobka Adduunka ee ka socda dalka Ruushka 2018.

Qof kasta ayaana tijaabin kara si uu u helo laacibka ay isashabahaan ee ka ciyaariya koobka adduunka, adeeggan ayaa waxa aad u baahan tahay inaad sawirkaaga geliso “Upload Image”, waxaad soo saari kartaa sawirka yaalla computer-ka ama mobile-ka aad wax ka daalacaneyso.

Adeeggan ayaa mararka qaar aan soo saareyn shabaha qof 100%, laakiin inta badan wuu soo dhawaaneynaa. Qalabkan ayaa ah aragtida computer-ka sida uu u arko shabahaaga ka ciyaara koobka adduunka isagoo isticmaalaha xoogo gaar ah oo lagu cabbeeyay.

Halkan Guji Si aad u Hesho Shabahaaga

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close