WararkaWaxbarashada

Mareykanka oo Ay Ku Nool Yihiin 25% Taajiriinta Adduunka & 40-milyan oo Faqri Darani uu Hayo!

Golaha xuquuqda aadanaha ee raacsan Qaramada Midoobay ayaa eedayn u soo jeediyay madaxweyne Donald Trump warbixin laga diyaariyay faqriga sii kordhaya iyo sinnaan la’aanta ka jirta gudaha dalka Mareykanka.

Philip Alston oo ah ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan faqriga daran iyo xuquuqda aadanaha ayaa hoosta ka xarriiqay isburinta ka jirta dalka Mareykanka, waxaa ku nool 25% dadka ugu billionaire san Adduunka oo helay canshuur dhaaf farabadan hantidoodauna ay sii kordhayso, laakiin isla markaa waxaa ku nool 40-milyan oo qof oo faqriga daran ku nool.

Ergaygan gaarka ah ayaa qorshuhu ahaa inuu sanadkii hore baaritaanka sameeyo, arrimaha dhanka xuquuqda aadanaha ku saabsan ee gudaha dalka Mareykanka. Alston warbixintiisa oo uu Qaramada Midoobay u gudbiyay waxa uu ku sheegay in 5 caruur ah ee Mareykan ah midkood uu ku noolyahay faqri daran.

Maandeeq FM  

Related Articles

Close