TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

3 Arrimood Oo Uu Saadaaliyay “Steve Jobs” oo Hadda Dhaboobay!

Saddexdii biloowd ee ugu horreeysay sanadka 2018, shirkadda Apple waxey iibisay 16-milyan oo mobile-ka iPhone X, taas oo ka dhigan inuu kaalinta koowaad kaga jiro mobile-ka ugu iibinta badan Adduunka, laakiin muddo 30-sano ka badan xaaladdu sidan wey ka duwaneyd dhanka shirkaddan Mareykanka ah, xilligaas oo Steve Jobs aasaasihii shirkadda uu ku khasbanaa inuu dadka caadiga ah u sharraxo faa’iidada mobile-ka gacanta u leeyahay.

Xilligaa computer-ku aad buu qaali u ahaa, in la isticmaalaana wey adkeyd, iyadoo arrintaasi ay jirto ayaa hadana Jobs uu lahaa aragti dheer sida uu mustaqbalku u ekaanayo. Hadaba waxaan idiin soo gudbineynaa 3 arrimood oo uu sii saadaaliyay sanadkii 1985 oo maanta si dhab ah loo arkay.

1- Computer-ka oo guri walba gaaraya

Sanadkii 1985, shirkadda Apple waxey soo saartay 4 computer oo qura, waxaana lagu isticmaalay xafiisyo gaar ah iyo iskuullaadka goonni ah, Jobs waxa uu u sheegay “Play boy”: “Document-iga si dhakhsiyo ah ayaad ku diyaarsan kartaan oo heerkeedu sarreeyo idinkoo adeegsanaya computer, waxyaabo badan ayaad sameysan kartaan si wax-soo-saarkiinna aad ku kordhisaan.”, waxa uu hadlkiisa sii raaciyay qalabka computer-ka waxa uu ku faafidoonaa guryaha mustaqbalka si ay dadku ugu madadaaloodaan, shaqo oo kaliya looma isticmaali doono, ayaa hadalkiisii ka mid ahaa.

Sanadkii 2017, daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in qoysaska dakhiloogu uu dhexdhexaadka yahay ay ugu yaraan haystaan 2 qalab oo ay soo saartay shirkadda Apple, dadka waqtigooda ugu badan waxey ku qaataan computer-ka iyo mobile-ka Smartphone-ka ah iyagoo ka galaya Baraha-bulshada oo dunida si weyn loogu daadsan yahay.

2- Computer-ka in loo isticmaali doono is-dhexgalka bulshada

Steve Jobs waxa uu sii saadaaliyay in computerka loo isticmaali doono howlo ka baxsan shaqada oo xiriirka bulshada iyo is-dhexgalkooda uu ka qeybqaadan doono, hadda waxwalbaaba waxey ku xiran yihiin internet-ka, wayna muuqataa in saadaalintii uu sameeyay ay dhabowday.

3-Hilitaanka Mouse-ka

Qalabka computer-ka markasta mouse kuma aanuu shaqeyn jirin. Jobs fikaradda mouse-ka computer-ka loo isticmaalo aad ayuu u difaacay, waxa uu sheegi jiray inuu si weyn u fududeeyo howlaha computer-ka, laakiin shaashadda taabashada ku shaqeynaysa ayaa fikraddaa iney meesha ka saareyso u muuqata, maadama iPhone, iPad ay si xoog ah u isticmaalaan shaashadaha touch screen-ka ah.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close