WararkaWaxbarashada

Ardayaddii “Eberka” Dugsiga Sare ee Reer Masar oo Heshay Darajada Ugu Sarreysa

Ardayadda reer Masar “Maryan Malak Zakaria” ee caanka ku ahayd dhanka warbaahinta “Ardayaddii Eberka” markii ay dhiganeysay dugsiga sare, ayaa waxey heshay darajada ugu sarreysa ee imtixaanka fasalka koowaad ee kulliyadda Pharmacy-ga oo ay ka dhigato jaamacad gaar loo leeyahay.

Maryan oo imtixaanka ka gashay qeybta Assiut ayaa July sanadkii 2015, waxaa imtixaankii dugsiga sare ee F4 ay ka heshay isku dar natiijo dhan 0%, xilligaa ardayddu waxey ku dooddan inaan la eegin waraaqaheeda imtixaanka natiijadanna ay tahay mid aaney shaqeysan, laakiin Wasaaradda Waxbarashada Masar waxey ku eedaysay in ay dowladda sumcaddeeda wax u dhimeyso, laakiin natiijadani ay tahay mid sax ah.

Sanadkii 2016 ayaa imtixaankii markale dib u gashay, markaa waxey ku baastay 94.02%, iyadoo weliba ka tirsaneyd qeybta cilmiga.

Si kastaba, xilliga sixitaanka imtixaanka khalad kastaa wuu dhici karaa, ardayddaa waxey dib dhacday sanad khalad ay gashay wasaaradda waxbarashada awgeed, waxaa habboon in khaladkaas oo kale laga feejignaado, gaar ahaan iyadoo aan ognahay in hadda uu socdo sixitaanka imtixaanka midaysan ee F4 Soomaaliya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close