WacyigelinWararkaWaxbarashada

Mas’uuliyadaha Ku Saaran Iska Kala Fududee Si Waxqabadkaagu U Kordho… 5 Tallaabo oo Kuu Sahlaya Go’aan Qaadashada Arrintaasi

Mar kasta oo shaqo cusub aad mas’uuliyadeeda qaaddo, waxaad dusha saaraneysaa waajibaad cusub oo waqtiga loogu talagalay la rabo inaad ku qabato. Wadada ugu wanaagsan ee shaqooyinka faraha badan culeyskooda la iskaga kala fududeeyo ayaa ah inaad si taxadar leh ula dhaqanto shaqooyinka cusub ee aad mas’uuliyeeda qaadayso. Haddii aad mas’uuliyadda isku yareyso waxaa hubaal ah in waxqabadkaaguna uu wanaagsanaanayo.

Hadaba, halkan hoose waxaan idinku soo gudbineynaa tallaabooyinka qaar oo lagama maarmaan ay tahay si culeyska tirada badan aad iskaga kala dhinto.

1- Nasasho Qaado

Mar kasta oo aad diidi karto shaqooyin si lama filaan ah laguugu diro, haka lababeyn. Teeda kale go’aan degdeg ah ha qaadan si aad naftaada u siiso fursad ay go’aan sax ah ku qaadato. Su’aalo caddeyn ah. Tusaale ahaan, haddii uu qofi kaa codsado inaad bandhig u sameyso, waxaad ku tiraahdaa waa shaqo soo jiidasho leh. Qaabkeed wax u rabtaa?”, isku day inaad shaqooyinka lagaa doonayo aad sii ogaato. Intaa kadib, isku day in waqti lagu siiyo aad kaga soo fakarto si aad dib ugu eegto waajibaadka kale ee ku horyaalla: “Waqti isii ilaa berri si aan uga soo fakaro howlaha kale ee ihoryaalla iyo sidii aan shaqada iskula qaban lahaa, inta badan jawaabta ay ku siinayaan waxey noqoneysaa “haye”, waqtigaaga qaado.

2- “Maya” Xilli hore ah iyo weliba inta badan

Haddii aad ogtahay in mashruuca cusub ee laguu dhiibayo aadan awooddiisa lahayn waxaad tiraahdaa “Maya”, waqtiga ugu dhakhsiyaha badan. Maxaa yeelay; mar kasta oo muddo dheer lagu sugo, si aad ku diiddo wey kugu adkaaneysaa, qof kalena si aad ah ayuu kaaga niyad-jabayaa marka uu muddo dheer ka dib jawaab diidmo ah kaa helo. Waxaa kugu filan inaad tiraahdo: “Shaqadaad iidireysaa waa mid aad u wanaagsan, laakiin waan ka xumahay hadda shaqo weyn oo aanan fursad kale heleyn ayaan gacanta ku hayaa.”

3- Si Weyn Uga Fakar Mashruuca

Haddii aad dooneyso inaad mashruuc cusub qabato, dul istaag, baaritaan ku samee. Marka uu mashruucu yahay mid aad u ballaaran waajibaadka lagaa rabaa aad ayuu u badan yahay, mugdi badanna wey ku hareerasan yihiin. Waxa aad gareynso eeg, qorshee waqtiga aad ku qaban karto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.

4- Dib u eeg Waqtiga aad haysato

Marka aad ka fakarto waajibaadka lagaa doonayo inaad fuliso, dib u eeg waqtiga aad haysato, waxaa kuu soo baxeysa waqtiga aad haysato ee dheeraadka ah ee jadwalkaaga ka bannaan, haddii jadwalkaaga aad ka hesho waqti aad howlgudasho ku sameyn karto waa sidii la rabay, mashruuca waqtigaa kuu bannaan ayaad si kalsooni leh ugu qaban kartaa. Laakiin haddii aad jadwalkaaga ka weydo wax waqti ah, waxaa ku horyaalla labo arrimood midkood, tan koowaad; inaad mashruuca ka cudaddaarato(cudurdaarato) iyo inaad madaxda kala hadasho howlaha kale ee aad gacanta ku hayso si qaarkooda lagaaga khafiifiyo.

5- Is-bedel ku samee mas’uuliyadaha dusha kuu saaran

Haddii mas’uuliyad cusub aad qaaddo oo saameyn ku yeelaneysa mashaariic kale oo aad horey u haysay, dadka u sheeg waxa ay kaa filayaan. Haddii aad maamulkaaga is-fahamsan tihiin oo aad isla jaanqaadeysaan, go’aanka saxda ayaad qaadan kartaa, haddii ay dadku sii ogyihiin waxa ay kaa filayaan inta badan natiijada aad soo saarto dhibaato badan uma arkayaan. Taasi waxey adiga ku siineysaa fursad ay kugula shaqeeyaan iyadoo jadwal goonni ah la dejinayo ama shaqada qof kale ay u wakiilanayaan kaas oo waqti ku filan heli kara.

Maqaalkan waxaa ‘Harvard Business Review’ ku qortay  Elizabeth Grace Saunders oo ah tababare ka tirsan shirkadda (Real Life E Time Coaching & Training), waa alifaaga buugga How to invest Your Time Like Money iyo buugga kale ee Divine Time Management. Maandeeq FM waxey iska leedahay tarjumaadda oo qura.

Maandeeq FM

Related Articles

Close