CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Muujinta Farxad Dhalanteed Ah oo Khatar Ku Ah Caafimaadka Qofka!

Daraasad uu sameeyay caalimka dhanka cilmiga bulshada caanka ku ah ee la yiraahdo Arlie Russell Hochschild,  ayaa lagu ogaaday in khatar caafimaad ay ka dhalato shaqooyinka u baahan in la qariyo dareenka ee laga doonayo qofka shaqaalaha ah inuu marwalba muujiyo farxad dheeraad ah.

Daraasaddan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in dareenka dhabta ah oo la cadaadiyo, farxad aan jirinna la muujiyaa ay keento daal iyo walwal, shaqooyinka u baahan  in macaamiisha sawir wanaagsan loo muujiyo, iyadoo dhoollacaddeyn iyo raalli ahaanshiyaha wejiga laga muujiyo ee ay la socoto matalaadda jirka ay shaqaaluhu ku khasban yihiin si ay shaqadooda u ilaashadaan.

Hochschild waxa uu tilmaamey in howlaha u baahan in dadka lala mucaamilo ay qofka ku khasbeyso inuu qariyo dareenkiisa aan fiicneyn isla markaana fareysa inuu dareen farxadeed mar kastaba uu muujiyo, lagama maarmaanka shaqada guusheeda ama fashilkeeda looga dhigaa iney caafimaadka si aan wanaagsaneyn u saameyso.

Shaqaalaha soo dhaweynta diyaaradaha ayaa ah kuwo ugu badan ee la dhibaatooda cudurro nafsiyan dhibaato u geysta, waxey ku khasban yihiin iney marwalba dareenkooda qariyaan iyo iney ilaashadaan weji dhoollacaddeyn ah oo aad u wanaagsan, haddii ay dhibaato kastaa haysato ama ay murug ku jiraan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close