arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waxey Ku Bahdileen Gabadhiisa Horteeda Gudaha Makhaayad Uu Lahaa.. Xabbad Ayuuse Kala Daalay!

Nin makhaayadley ah ayaa xabbad kala daalay 3 macmiil oo maqaaxidiisa ka cuntayneysay, mid wuu dilay laba kalena wuu dhaawacay oo waxaa loola cararay isbitaal lagu dabiibayo.

Ninkan xabbada macaashiisha la dhacay oo 60-jir ah ayaa sheegay iney is-qabteen macaamiisha makhaayadda ka cunteynaysay, waxa uu sheegay iney ku bahdileen gabadh uu dhalay horteeda oo iyaduna isla maqaaxida ka shaqeyneysay.

Waxa uu sheegay inuu xamili kari waayay bahdilaadda lagu sameeyay, baastooladiisa intuu ula soo baxay uu xabbad kala daalay kuwii dareenkiisa dhibaateeyay!.

Ninkii makhaayadlaha ayaa la xiray, booliska Kiev waxey sheegay in ninkani uu jinsiyad waddan kale ah uu wato, iyagoo ku gaabsaday in qofka dhintay uu u dhashay Ukraine uuna ka soo jeedo gobolka Zabarugie.

Maandeeq FM

Related Articles

Close