arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

“Ancaam”… Haweeneydii Ugu Horreeysay ee Taksiile Ka Noqota Gudaha Dalka Sucuudiga

Shirkad gawaadhida kireysa oo Dubai laga leeyahay ayaa daaha-ka-rogtay iney darawal u qaateen haweenaydii ugu horreysay ee Sucuudiyaan ah oo taksiilanimo ugu shaqeynaysa, haweenaydan ayaa la yiraahdaa “Ancaam Ghazi Al Aswad”,  waxey sidaa ku noqotay haweenaydii ugu horreysay ee Taksiile ka noqota gudaha dalka Sucuudiga, shirkadda ayaa qorsheynaysa in 3000 oo haween ah iney u qaadato shaqaale ahaan.

Arrintan ayaa barbar socota dabaaldagga ay dumarka Sucuudiga ku jiraan ee ogolaanshiyaha la siiyay ee gaariga ay ku kaxayneyso.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sucuudiga ayaa ka digtay in la isku dayo in dumarka si gaar ah loo bartilmaameed sado, sawirro laga qaato ama lagu  jeesjeeso kaxeynta gawaadhida ee dumarka, “Waxaan kalsooni ku qabaa in dadka oo dhani ay ku dhaqmi doonaan tilmaamaha saxda ah, inaan lagu xadgudbi doonin waxyaabaha dadka kale u gaarka ah iyo sharaftooda, maadaama xorriyaddooda ay kafaalo qaaddayaan Shareecada Islaamka iyo Qawaaninta kale ee dagsan.”

Waxa uu intaa sii raaciyay, waxaa la aasaasay 6 xarumood oo dumarka lagu baro kaxeynta gawaadhida oo laga furay daafaha kala duwan ee Sucuudiga, waxa uu tilmaamay in 120-kun oo dumar ay codsadeen iney helaan ruqsadda gaadhi kaxeynta.

Maandeeq FM    

Related Articles

Close