WararkaWaxbarashada

Khubarada Astronomy-ga: Adduunka Waxaa Ku Soo Waajahan Labo Dhacdo oo Naadir ah Bisha Soo Aaddan

Culumada Astronomy-ga ee ku sugan Planetarium-ka Moscow ayaa Isniintii shalay waxey saadaaliyeen in uu dhici doono dayax madoobaadkii ugu waqtiga dheeraa Qarniga 21aad, halka meeraha Mars uu ku soo aadayo barta ugu dhow ee uu dhulka u jirsan karo July, 2018.

Khubaradan ayaa waxey yiraahdeen: “Qof kasta waxaa u suuraggal ah inuu arko July 27, labada dhacdo ee ugu naadirsan oo indhaha aadanahu ay qaban karaan.”

Khubaradan ayaa sidoo kale sheegay in dhex bartamaha xagaagan ay dhacdooyin badan oo dhanka xidiga ah ay dhacayaan. July 6, dhulku waxa uu noqonayaa marka uu qorraxda uga fogyahay, waxey u gaareysaa masaafo dhan 152,095,566-km. July 13, qorrax madoobaad aan dhameystirneyn ayaa laga arkayaa meelo ka mid ah Adduunka.

Dhammaadka bisha July, waxaa samada habeenkii lagu arkayaa meteors(shaydaan-eri) cirka buux dhaafinaya oo habeenkii la arkayo, dayaxa ayaana ka qeybqaadanaya in si wanaagsan loo arko; maadama uu heerkiisa dhammeystirka uu ku dhawaanayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close