arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Maalqabeennada Caanka ah Sidey Uga Gaashaanteen Dagaalka 3-aad ee Adduunyada (Sawirro)

Dadka ugu taajirsan Adduunka ayaa waxey isku diyaarinayaan “Adduunyo gaddoonka”, maalinta uu qarxo dagaalka Saddexaad ee Adduunka ee la isku adeegsanayo hubka nukliyeerka ah ee wax baabi’iya.

Maalqabeennada adduunka waxey lacag farabadan ku bixiyaan dhismaha guryo dhulka hoostiisa laga dhisayo oo aad loo diyaariyay, looguna talogalay in looga gaashaamanto hubka nukliyeerka ah iyo kuwa kale ee kiimikalka la isku adeegsanayo. Waxaan loogu keydiyaa cunno iyo biyo si ay ugu diyaargaroobaan maalinta ilbaxnimada aadanaha ay soo afjarmeyso.

Gododka ay maalqabeenadu gaashaanka u sameystaan ayaa ka raaxo badan kana waasacsan kuwii Qarnigii 20aad, waxaa loo diyaariyaa in bilo iyo sanado lagu noolaan karo, xilliga uu nooluhu ka baaba’o dhulka dushiisa. Guryahan dhulka hoostiisa ka qodan ayaa waxwalba lagu diyaariyay.

Wararka  la helayo ayaa sheegaya in maalqabeennada guryaha dhulka hoostiisa ku yaalla loo dhisay uu ka mid yahay billionaire-ka reer Mareykan milkiilaha Microsoft Bill Gates.

Shirkadaha dhismuhu waxey heleen dalabyo badan oo soo gaaraya xilliyadii dambe oo ku aaddan dhismaha dhulka hoostiisa ah ee looga gaashaanto hubka nukliyeerka.

Shirkadda “Rising S” ee dalka Mareykanka laga leeyahay ayaa sheegtay in xilliyadii dambe ay heleen codsiyo badan oo ku aaddan dhismaha looga gaashaanto hubka nukliyeerka ee dhulka hoostiisa laga dhisayo, wixii ka dambeeyay doorashadii Donald Trump ee sanadkii 2017, shirkaddan ayaa ka shaqeysa naqshadeynta iyo dhismaha hoy gabbaad ah oo looga gaashaanto hubka nukliyeerka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close