WararkaWaxbarashada

Codkaaga oo Kaa Horistaagi Kara Dallacsiinta Shaqada!

Horey waxaa loo sheegi jiray in qofku ka feejignaado erayga afkiisa ka soo baxaya xilliga shaqada, si aan loo cayrin ama aaney caqabad ugu noqon dallacsiintiisa, laakiin hadda waxaa ku soo korortay in laga digtoonaado habka dhawaaqa erayada afkaaga ka soo baxaya.

Daraasad cusub oo laga sameeyay Jaamacadda Surrey ee ku taalla gudaha UK, ayaa daaha-ka-rogtay in shaqaalaha qaar ay dallacsiinta ku waayaan sabab aan lagu baraarugsaneyn oo ku aaddan codka qofka.

Cidina horey u ma aaney ogeyn in qiimeyntaasi ay noqoneyso midda ka dambeysa in qof la dallacsiiyo mid kalena uu dallacaadda waayo, laakiin waa arrin dhab ah oo la ogaaday, sida ay daaha-ka-rogtay daraasad la sameeyay sanadkii 2017 gudaha UK, natiijadeedana dhawaan la soo bandhigay.

Daraasaddan ayaa dadkii ka qeybgalay laga codsaday iney maamulayaal shaqo oo kale u dhaqmaan, iyagoo qiimeynaya murashixiin la rabo in shaqooyin cusub loo dhiibo.

Waxaa laga codsaday iney u hoggaansamaan qiyaas 1-5 ah oo muujineysa in shaqaalaha uu jagada u qalmo iyo in kale, waxaana loo sheegay iney qiimeeyaan mushaarka shaqaalaha la siin karo.

Qof kasta waxaa lasoo hordhigay sawirka iyo codka dadka jagooyinka u sharraxan.

Natiijadii daraasaddan laga gaaray ayaa noqotay mid cajiib ah; haweenkii jagooyinka u sharraxnaa markii codkii dumarnimada mid ka yara baxsan la arko, qiimeynta waxey ka heshay mushaar iyo jago hoose. Dhanka ragga natiijadu la mid ayey ahayd, halka guuxa codkoodu uu kaalin ka qaatay doorashada, ragga codkooda lagu arkay in miisaanka caadiga ah uu ka hooseeyo waxey heleen shaqooyinka ugu hooseeya uguna mushaarka yar.

Dr. Fabio Fasoli  oo daraasaddan wax ka diyaariyay ayaa yiri, halkaa waxaa nooga soo baxday mashaakil dhab ah oo ku saabsan goobta shaqada, habka doorashada shaqaalaha shucuubta kala duwan ee adduunka.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, dadku wacyi la’aan ayey ra’yi hore uga sii qaataan dadka qaar inta aaney baran ka hor, marka ay maqlaan codka shakhsiga oo qura.

Maandeeq FM    

Related Articles

Close