WararkaWaxbarashada

Kulan Howleed Lagu Hubinayo Tayada Jaamacadaha oo Ka Furmay Magaalada Hargeysa

Kulan howleed looga hadlayo hubinta tayada waxbarashada Sare ee Jaamacadaha Somaliland ayaa ka furmay magaalada Hargeysa.

Kulankan oo lagu gorfaynayo hubinta tayada Jaamacadaha isla markaana ah kulan aqooneed ay ka qeyb qaadanayaan dhammaan mas’uuliyiinta kala duwan Jaamacadaha, bahda ka howlgasha waaxda tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, hay’adaha Caalamiga ah ee la shaqeeya iyo marti sharaf kala duwan oo ka socday aqoonyahanka iyo guddiga tacliinta sare, ayaa maallinimadii shalay ka furmay magaalada Hargeysa.

Axmed Muuse Muraad, agaasimaha guud ee tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo kulanka ugu horreyn ka hadlay ayaa sheegay iney Wasaaraddu ku dadaaleyso iney hubiso tayada Jaamacadaha, waxaa hadalkiisii ka mid ahaa:

“Salaan ka bacdi, waxaa sharaf noo ah maanta inaan bilownno wejigii labaad ee quality assurance aan u qabanno, maanta waa 26 June, waa maalin aad iyo aad noogu weyn, waana fasax. Quality marka aan ka hadleynno jaamcadihii oo dhan wey joogaan, tayadu waa mid qofka ku xiran, marka la dadaalo waxaan hubaa in tayada jaamacadaha aan hubin karno.”

Dhanka kale, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarasahda iyo Sayniska Cabdulqaadir Maxamuud Sheekh Muxumed ‘Dhagaweyne’, ayaa sheegay iney tayada tacliinta sare wax ka qabanayaan:

“Runtii maanta waa maalin faraxad leh, waa national holy day (Maalinta Qaranimada), inaan quality assurance(tayada waxbarashada) aanuu wax ka qabanno haddaanu nahay Wasaaradda Waxbarashada, agaasinka tacliinta sare iyo guddiga tacliinta sare oo wada socdaba, kolley shaqadu berri ayey inuu bilaabeysaa, laakiin maanta waxaan uga faa’ideysannay inaan shirkeenna furanno.”

Si kastaba, aqoon is-weydaarsigan oo lagaga hadlayo tayaynta Waxbarashada Sare ee Jaamacadaha ayaa maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in si toos ah loo guda galo ajandihiisa ku aaddan habinta tayada Jaamcadaha.

Maandeeq FM   

Related Articles

Close