WararkaWaxbarashada

Mareykanka oo Soo Saaray Dhar Ciidanka Noloshiisa Lagu Badbaadinayo

Mareykanka ayaa waxey daahrogeen dhar u suuraggelinaya in lagu badbaadiyo nolosha ciidan badan oo goobta dagaalka ku dhaawacma.

Sida uu qoray website-ka “Digitaltrends“, dharkan cusub ayaa awood u leh inuu dhaawaca daaweeyo iyo inuu dhiig baxa ka joojiyo ciidamada dhaawacma inta dagaalka lagu jiro.

Dharkan oo ah kuwo milatari ayaa laga sameeyay “Polystyrene”, waxaa la socda faashad dhaawaca lagu dhayo oo aad u heersarreysa.

Awoodda maadadan ayaa ka heer sarreeysa 5.7 jeer, tan dhaawaca lagu dhejiyo ee hadda loo isticmaalo dhayitaanka caadiga ah.

Khubaradu waxey sheegeen in maadadan Plastic-ga ah ee cusub ay dhaawaca ka dhigeyso mid xiran dhiigana ka joojineysa, halka acid “ACRYLIC” dharka ku jiraa uu mas’uul ka yahay in dhaawaca si wanaagsan uu udhaymo, waana arrinta u ogolaaneysa in dhiigga laga nuugo biyaha si loogu khasbo inuu xinjirow noqodo.

Khubarada waxey sheegeen in faashaddan dharka la socotaa ay sameynayso “Hydrogel” adag, taas oo ka dhigan in la helo maaddo dhaawaca lagu xiro oo awood badan kana waxtar badan 3-jeer faashadda caadiga ah ee hadda la isticmaalo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close